Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Ka Qayb Galay Xuska Maalinta Saxaafadda Somaliland

0
3

Hargaysa (Hubaal) Madaxweyne ku xigeenka JSL Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici oo ay weheliyaan Xubno ka tirsan Gollaha wasiiradda, iyo Mas’uuliyiinta Xisbiyadda qaranka ayaa ka qayb galay Xuska Maalinta Saxaafadda Somaliland oo ay ku lamaanayd Abaalmarinta 6-aad Ee Cawke Taas oo lagu qabtay Huteel Maansoor ee Magaaladda Hargaysa. Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Sakariye Axmed Muxumed ayaa sheegay in xuska maalintan la qabto sannad kasta 9-ka bisha November oo maanta ku beegan isla markaana la iska xog waraysto xaalada dhabta ah ee Suxufiyiintu ku nool yihiin, Waxaa kale oo Gudoomiyuhu xusay inay Markii 6-aad qabteen abaal marinta Cawke Award, Taas oo ay Saxafiyiinta ka qayb gashay ku tartameen Mawduucyo kala duwan, Waxaa kale oo Gudoomiyaha Solja uu halkaas ka sheegay sida ay mar walba ugu heelan yihiin kor u qaadista aqoonta Suxufiyiinta Somaliland.

Gudoomiyaha Komiishanka doorashooyinka Somaliland C.rashiid Riyo raac oo Munaasibadaas ka hadlay ayaa uga mahadnaqay Saxaafada Somaliland sidii xil kasnimada lahayd ee ay ula shaqeeyeen Komiishanka Xiligii ay qabsoontay doorashooyinkii isku sidkanaa ee Wakiillada iyo Deegaanka.

Wasiirka Wasaaradaha Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo halkaas ka hadlay ayaa ku dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ee ay Saxaafada Somaliland soo martay tan iyo markii lagu dhawaaqay gooni isu taaga somaliland,Wasiirku waxa uu tilmaamay baahida loo qabo sidii loo kobcin lahaa aqoonta suxufiyiinta Waxaanu Saxafiyiinta Somaliland u soo jeediyey inay yeeshaan Takhasusaad kala duwan oo xidhiidh la leh Cilmiga saxaafada , Waxaa kale oo Wasiir Koore ka dalbaday Warbaahinta Somaliland in ay doorkooda ka qaataan Xoojinta dawladnimada iyo Is aaminaada bulshadda iyo dawladooda isla markaana ka feejignaadaan wax kastoo turunturo ku ah qarankooda.

Sidoo kale Wasiirka Tiknoolajiyadda iyo Isgaadhsiinta Mudane Cabdi-weli Sheekh Cabdilaahi Suufi oo madashaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in Saxaafadda somaliland sida ay Siyaasiyiinta u daba galaan aanay ula Xisaabtamin Ganacsatada.

 

Gudoomiyaha Hay’adda ka hortaga aafooyinka iyo Kaydka raashinka qaranka Faysal Cali Sheekh ayaa balanqaaday inay hay’ad taakulo raashin siin doonaan Qoysaskii ay ka Geeriyoodeen Suxufiyiin dalka kaalin weyn ku leh horumarka kala duwan ee Somaliland ka hirgalay.

Madaxweyne ku xigeenka JSL Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici oo gabo gabadii Munaasibadaas ka hadlay ayaa sheegay in Saxaafadda Somaliland iyo Door shariif ah ka soo qaateen marxaladihii kala duwanaa ee ay somaliland soo martay waxa uu madaxweyne ku xigeenku xusay in Warbaahinta Somaliland ay horumar kala gedisan ku talaabsatay Waxaanu bah’da Saxaafadda Somaliland ku hambalyeeyay Xuska maalintan.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu ka dalbaday Warbaahinta in dhawaqooda meesha fog gaadhaya aanu dhib ku noqon Qaranka “Qolada warbaahinta waxaa looga baahan yahay in dhawaqooda meesha fog gaadhaya aanu noqon mid dhib ku ah qaranka,Saxaafadu waxay iska dhigtaa inaan qodoba qabaneen oo danbiguba qabaneen..”

Madaxweyne ku xigeenka JSL Waxa uu halkaasi abaal marino ku gudoonsiiyey Suxufiyiintii ku guulaystay abaalmarinta 6-aad ee Cawke Award.

Waxaa kale oo Munaasibadaas ka hadlay Weriyaha ruug cadaaga ah ee Maxamed Xasan Cali Weji iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Maxamed Yuusuf Ismaaciil, Xoghayaha abaabulka ee Xisbiga Waddani C.laahi Jaamac (Geel-jire), Xoghayaha arrimaha Gudaha ee Xisbiga Ucid Baashe Cabdi Gaboobe, Afhayeenka Xisbiga Kulmiye C.naasir Buuni iyo Guddoomiyaha daladda Ururada aan dawliga ahayn ee Somaliland ee Sonsaf Anwar Cabdiraxmaan Warsame iyo Xubno kale.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here