Magacyada Guddi Guurtidu U Saartay Ka soo Talo-bixinta Muddo-kordhin Madaxtooyadu U doonayo Wakiillada

0
2

Hargeysa (Hubaal) – Golaha guurtida Somaliland ayaa Guddi ka kooban 29 Xubnood u saaray ka soo talo-bixinta mudoo kordhin mar kale loo samaynayo Golaha wakillada Somaliland, ka dib markii ay dib u dhacday doorashadii lagu soo dooran lahaa Xildhibaanno cusub. Xildhibaanada ayaa aoornimadii shalay loo akhriyay qoraalka mMdaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu kaga dalbaday inay muddo kordhin u sameeyaan Golaha wakiillada Somaliland, waxaana markaa ka dib  cod lagu meel mariyay guddiga loo saaray inay arrintaa ka soo talo-bixiyaan. Guddiga ayaa ka kooban 25 Xildhibaan, Shir-guddoonka oo ka kooban 3 xubnood iyo Xoghayaha guud ee Golaha Guurtida, waxaana la siiyey muddo ay arrintaa ku soo eegaan, kuna soo gudbiyaan Taladooda.

 Halkan Hoose ka Akhri Magacyada 25 Xildhibaan Ee Guddiga ah.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here