Mandheera: Qaylo-Dhaan Ka Soo Yeedhay Barakacayaasha iyo Baaq ay U Direen Xukuumadda Somaliland

0
4

Hargeysa, (Hubaal)-In ka badan kun Qoys oo ka mid ah Dadkii ku caydhoobay Abaarihii Somaliland soo maray isla-markaana xilligan iskugu yimid degmada Mandheera ee Gobolka Saaxil, ayaa qaylo-dhaan u dirsaday Xukuumadda iyo Maamulka Gobolka Saaxil.

Qoysaskan Barakacayaasha ah oo ku nool Guryo yaryar oo ka samaysan baco iyo Karaatoon ay isku toltoleen, haystaana duruufo nololeed oo aad u adag, ayaa Xukuumadda Somaliland ka codsaday inay gurmad deg-deg ah gaadhsiiso.

Hooyooyin ka mid ah Barakacayaasha Gobolka Saaxil oo la hadlay Telefiishanka HCTV ayaa waxa hadalladooda ka mid ahaa “Badhasaabka Gobolka Saaxil iyo Xildhibaannadu way arkeen baylahdayada, way arkeen hoy la’aantayada ah, way arkeen jileecayaga, laakiin way na hagradeen.” Ayay tidhi Hooyo ka mid ah hooyooyinka Dadka Barakacayaasha ku dhaqan Degmada Mandheera ee Gobolka Saaxil, waxayna intaa ku dartay “Miyaa la naga maarmay Cod iyo Cagba, miyaanaan Dadka Gobolka ka mid ahayn..”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here