Midowga Afrika Iyo Qarammada Midoobay Oo Wadahadal Toos Ah La Yeeshay Hoggaamiyaha TPLF Oo Hoos U Dhigtay Cabsida Laga Qabo Dhiig Ku Daata Addis Ababa

0
4

Mekelle (Hubaal) Ergeyga Midowga Afrika uu qaabilsan arrimaha Itoobiya oo uu wehilanayey madaxa Qarammada Midoobay u qaabilsan gargaarka Mr Martin Griffiths, ayaa markii ugu horreysay la kulmay hoggaamiyaha TPLF Debretsion Gebremichael si loo soo afjaro xiisadda ka taagan dalkaas.

Madaxa Qarammada u qaabilsan arrimaha bani’aadanimada iyo gargaarka Martin Griffiths iyo Obasanjo oo ah madaxweynihii hore ee Nigeria oo gaadhay caasimadda Mekelle shalay, ayaa sidoo kale kala hadlay hoggaamiyaha TPLF sidii gargaar loo gaadhsiin lahaa shacabka ay saameeyeen dagaallada ka dhacay gobolka.

Telefishanka Tigray ayaa ku warramay; “Mas’uuliyiintani waxy la kulmeen Madaxweynaha Tigray, Dr Debretsion Gebremichael, waxayna ka wadahadleen qalalaasaha ka taagan Itoobiya iyo sida gargaarka lagu gaadhsiin karo shacabka baahan iyo arrimo kale.”

Mr Griffiths iyo Obasanjo ayaa markii dambe dib ugu laabtay maagalada caasimadda ah ee Addis Ababa, sida uu sheegay telefishanka Tigray.

Afhayeenka TPLF Getachew Reda, ayaa barta Twitter-ka geliyey sawirrada kulanka Obasanjo uu la yeeshay Madaxweynaha Gobolka Tigray.

Geesta kale, mucaaradka dagaalka kula jira dawladda Ethiopia, ayaa hoos u dhigay wararka sheegaya inay sababi doonaan “dhiig ku daata” magaalada Addis Ababa haddii ay galaan ama la kulmi doonaan shacab cadow ku ah.

Dhowr dal ayaa ku boorriyey muwaaddiniintooda inay ka baxaan Ethiopia, isla markaana dawladda Mareykanka ayaa la baxday diblomaasiyiinteeda, iyada oo uu sii xumaaday dagaalka sannadka ka socda woqooyiga dalkaas.

Dagaalyahannada TPLF iyo kooxda xulufada ay yihiin ee Oromada ee OLA, ayaa toddobaadyadii tegay sheegtay inay qabsadeen dhowr magaalo, meeshana kama saarin inay u ruqaansan doonaan Addis Ababa.

Dowladda oo beenisay in Addis Ababa ay halis ku jirto, ayaa si kastaba ku dhowaaqday xaalad degdeg ah, waxaanay mas’uuliyiiinta deegaannada qaarkood shacabka weydiisteen inay difaacaan caasimadda Itoobiya.

“Sheekada ku saabsan in dadweynaha Addis Ababa ay si xooggan nooga soo horjeedaan waa mid laga badbadiyey.” Sidaa waxa yidhi Afhayeenka TPLF,  Getachew Reda oo wareysi siiyey wakaaladda wararka AFP maalintii Axadda.

“Addis Ababa waa dheri. Dad dano kala duwan leh ayaa ku nool Addis. Sheegashada ah in Addis ay isku beddeli doonto meel dhiig ku daato haddii aan soo galno waa mid nacasnimo ah,” ayuu yidhi.

Iyagoo oo mucaaradka ay u geli doonaan oo keliya Addis Ababa inay xukunka ka tuuraan ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, ayaa Getachew wuxuu sheegay in qabsashada caasimadda “aannu aheyn hadafkooda.”

Waxa uu sidoo kale sheegay in TPLF oo siyaasadda Ethiopia gacanta ku haysay ku dhowaad 30 sanno, haatanna aanay damacsaneyn inay xukunka dib u qabsato.

TPLF ayaa xukunka ka tiirtay maamulkii Mengistu Haile Mariam 1991-kii, waxayna Ethiopia xukumeysay illaa 2018-kii markii uu xukunka la wareegay Abiy Ahmed.

TPLF ayaa toddobaadkii tegay sheegtay inay qabsatay laba magaalo oo muhiim ah oo ka tirsan gobolka Amhara, waxayna hadda caasimadda u soo jirtaa qiyaastii 325 km.

Xigasho: AFP

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here