Muxuu Daarna Kulanka Komishanka Doorashooyinka Somaliland Iyo Saddexda Xisbi Qaran?

0
4

Hargeysa (Hubaal) Komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa maanta kulan la qaatay Hogaanka Saddexda Xisbi qaran ee Somaliland.

Komishanka doorashooyinka Somaliland oo mudooyinkii ugu dambeeyey ku hawlanaa sidii ay u qabsoomi lahayd doorashadda madaxtooyadda Somaliland ayaa kulan isugu yeedhay xisbiyada somalinad, UCID, WADANI iyo KULMIYE.

Kulankan komishanka doorashooyinka iskugu yeedhay xisbiyada ayaa ujeedkiisu ahaa in horaanta sannadka 2022-ka ay bilaabi doonaan diwaan galinta codbixiyayaasha doorashadda madaxtooyadda Somaliland oo ay ka hadhsan tahay muddo sannad ah.

Sidoo kalena xisbiyadda iyo komishanka doorashooyinku waxay isla qaateen in saddexda xisbi ay safar ugu ambo baxaan dalka Kenya gar’aahan magaalada Nairobi, si ay ula kulmaan daneeyayaasha doorashadda Somaliland ee soo socota.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here