Natiijada Baadhitaankii Cudurka Coronavirus Ee Madaxweyne Trump Oo La Shaaciyay

0
3

Washington (Hubaal)- Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa laga waayay cudurka Coronavirus ka dib markii laga baadhay cudurkaasi, sida uu sheegay dhakhtarkiisa ka hawlgala madaxtooyada Mareykanka.

“Galabta waxaa isoo gaaray war xaqiijinaya in cudurkaasi laga waayay madaxweynaha,” ayuu xalay warbixin qoraal ah ku yidhi Sean Conley. Madaxweyne Trump ayaa cudurkaasi laga baaray ka dib markii xubno ka tirsanaa wafuud ka socotay dalka Brazil oo dhammaadkii usbuucii hore uu Flodrida kula kulmay laga helay cudurkaasi.

Fabio Wajngarten oo ka mid ah gacanyareyaasha madaxweynaha dalka Brazil ayaa ka mid ah dadka laga helay cudurkaasi. “Usbuuc ka dib markii madaxweynuhu uu la casheeyay wafuud ka socotay dalka Brazil ayaa haatan waxaa caddaatay in uusan qabin cudurkaasi,” ayuu yidhi Conley. Madaxweyne Trump oo da’diisu tahay 73 sano jir ayaanan is-karantiilin shirkaasi ka dib, waxa uuna ku doodayay in uusan qabin astaamaha cudurkaasi.

Balse ka dib markii su’aalo badan lagu weydiiyay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Aqalka Cad ee Mareykanka looga arrimiyo ayaa Trump waxa uu sheegay in uu cudurkaasi iska soo baarayo.

Dhakhtarka gaarka ah ee Aqalka Cad, Sean Conley, ayaa sheegay in Jimcihii baadhitaan lagu sameeyay madaxweynaha, natiijadii baadhitaankaasina la helay shalay oo Sabti ahayd, taa oo muujisay in madaxweynuhu uusan qabin cudurkaasi.

Dowladda Mareykanka ayaa shacabkeeda kula talisay in qofkii la kulmay ama taabtay qof la xaqiijiyay in uu ku dhacay cudurka Coronavirus ay tahay in 14 maalmood uu is-karantiilo.

Ilaa haatan in kabadan 2,700 oo qof ayaa la xaqiijiyay in dalkasi uu ku soo ritay cudurkani, halka 54 qof ay u dhinteen.

Jimcihii la soo dhaafay ayaa madaxweyne Trump waxa uu ku dhawaaqay xaalad deg deg ah, waxa uuna la dagaalanka cudurkani u qoondeeyay 50 bilyan oo doollar.

Source: BBC

SHARE
Article hore“Waxa Loo Baahan Yahay Dadaal, Diyaar-garaw iyo ka-hor-tag intaa ka Badan” Madaxweynaha Somaliland
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a Somali journalist, writer and cameraman. Now Mustafe is the chief editor of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He was former the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com/mustafefaro@hotmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here