“Odayaasha Xamar Ka Yimid Ma Ogin Waxa Ay U Socdaan, Annagu Laba Maalmood Ka Hor Ayaannu Madaxtooyada U Dirnay Warqad…”-Cabdillaahi-Cukuse

0
52

Xukuumadda oo ka Hadashay Ujeedda Socdaalka Madax-dhaqameed Soomaaliya kaYimi oo dalka ku Sugan

“Odayaasha Xamar Ka Yimid Ma Ogin Waxa Ay U Socdaan, Annagu Laba Maalmood Ka Hor Ayaannu Madaxtooyada U Dirnay Warqad…”-Cabdillaahi-Cukuse

Hargeysa (Hubaal)- Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay in madax-dhaqameed iyo ganacsato dalka Soomaaliya ka yimi dalka joogaan, isla markaana lagu soo dhaweeyey, ujeeddooyinka ay u socdaana tahay in ay wax ka bartaan habka Somaliland nabadda u dhisatay, una gaadhay amniga buuxa iyo horumarka.
Madax-dhaqameedkan oo Arbacadii toddobaadkan dalka yimid, xisbiyada mucaaridka ah shaki geliyeen socdaalkooda, ayaa markii u horraysay xukuumaddu tilmaantay in ay ka kooban 50 oday dhaqameed iyo ganacsato, lana kulmeen madax-dhaqameedka Somaliland.

Cukuse55“Horta qolada ka timid Somaliya waa 50 madax-dhaqmeed, waxaanay ka socdaan shacabka Somaliya, waxa ay isugu jiraan madax-dhaqmeedyo, ganacsato iyo odayaal kale, laakiin socdaalkooda ugu weyn waxa weeyaan in ay arkaan Somaliland waxa ay qabsatay kuna hambalyeeyaan,waxna ka bartaan wixii kasoo baxa. Madax-dhaqameedyada dhiggooda ah iyo odayaasha way is arkeen, maantana waxa casuumad u sameeyey madax-dhameedka Somaliland, laakiin waxa ugu muhiimsan ee ay inaga baranayaan waxa ay noqonaysa sida nabada loo ilaashadoi iyo sida Somalilandnimada loo ilaashado,marka iyaguna Soomaaliyadooda ayey ilaashan doonaan,inana Somalilandtena ayeynu ilaashanaynaa, sida qarnimadaloo dhisana way inaga baranayaana,” ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Md. Cabdillaahi Daahir Maxamed (Cakuse) oo maanta warbaahinta ugu waramay magaalada Hargeysa.

xaadGeesta kale, xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa sheegay in xukuumaddu ka dhego adaygtay dalab qoraal ah oo ay u gudbiyeen Madaxweynaha, kaasoo ku saabsana in laga shaki saaro madax-dhaqameedka ka yimi dawladda Soomaaliya ujeedday dalka u yimaadeen.

Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee xisbiga WADDANI Md.Axmed Muumin Seed oo saxaafadda la hadlay maanta waxa uu sheegay in qoraalkooda aan ilaa hadda looga soo jawaabin, waxaannu yidhi; “Odayaasha Xamar ka yimid waannu ixtiraamaynaa, laakiin ma ogin waxa ay u socdaan, annagu laba maalmood ka hor ayaannu Madaxtooyada u dirnay warqad, waxaannu ka codsanay inay Macluumaad naga siiyaan, warqaddiina waxa igala soo xidhiidhay Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, waxa uu ii sheegay in warqaddaasi gaadhay, waxaanan ku idhi qoraal noogu soo gudbi ujeeddada odayaasha reer Muqdisho u socdaan”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here