“Ogaadda Daawadda Shiinaha”

0
43

OGAADA DAWADA SHIINUHU DAWOOYINKA KALE LA MID MAAHEE”- Cali-gurey

-Allaha Ha U Naxariisto Saaxiibkay Nuuradiin, Dayib Guray Iyo Intii kale Ee Dhimatay
Aniga oo ah Sarkaalka Wardoonka iyo Nabadgelyada ee Ciidanka Xoraynta iyo AHN Nuuradiin oo Xoghayn ahaan ula socda AHN Cabdilaahi Askar ayaanu bari is raacnay. Markii aanu Dire Daba soo gaadhnay ayay labdoodii ba kaneeco soo riday. Nuuradiin wax ka yar 48 saacadood ayay ku dishay. Hadana waxay soo riday Cabdillahi Askar dirqi iyo tu xun ayuu kaga badbaaday. Dhakhtarka milatariga ee Harar ayaa loola cararay dawooyinkii oo dhan ayay difaac (resistant) u noqotay. Markii dambe ayuu Dr. Cali Xasan Good ‘double over dose yidhi ha lagu mudo’ ama ha ka raacdo ama ha ku kaco eh. Dhakhaatiirtii Etopiyaanka ayaa yaabtay oo diiday ilaa uu isagu saxeexay in uu masuul ka yahay, ilaahay amarkii wuu ku dawoobay. Waxa soo hadhay aniga nasiibkayga tii hore ee Geed Deeble igu soo riday baan dirqi kaga kacayoo markan way ila saayirtay oo ilaahay ayaa iga sabato saaray.
Ta Geed Deeble igu soo riday Dr. Axmed Cumar Askar ayaa toban midh oo kiniin ah i siiyay. Markii aan afartii midh ee ugu horeeyay liqay oo makhrib ah ayaa oday shiinihii Biyaha Geed Deeble madax u ahaa oo anigu aan masuul ka ahaa nabadgelyada isaga iyo kooxdiisu ayaa isna toban midh oo kale ii keenay. Waxan la yaabay subaxdii ayuu igu soo kalahay ninkii shiinaha ahaa. Markuu madaxa I taabtay ayuu tidhi miyaad liqday dawadii aan ku siiyay. Waxan idhi haa. Wuxu yidhi maad liqin dawadii anigu aan ku siiyay. Runtii na way ahayd oo tii Dr. Askar i siiyay baan liqay. Wuxu yidhi hadda aniga oo ku arkaya liq. Afar baan mar wada liqay afartii xalay ee Dr Askar na way igu maqan tahay. Casarkii aniga oon wax xumad ah lahayn ayaan soo saro fadhiistay.BAL OGAADA DAWADA SHIINUHU DAWOOYINKA KALE LA MID MAAHEE”

daawada shiinaha ogaada

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here