Guriga Blog Page 1658

Madasha Wada Tashiga Iyo Labada Xisbi Mucaarad Oo Xukuumada Ku Edeeyey In Ay Dalkii Majaro Habaabisay, Saxaafadiina Afka Ka Xidhay.

0

Hargeysa (Hubaal)-Labada Xisbi Mucaarad Iyo Madasha Wadatashiga Ayaa Maanta Shirjaraa’id Oo Ay Si Wada Jira Ah Ugu Qabteen Magaalada Hargaysa Kaga Hadlay Tacadiga Joogtada Ah Ee Xukuumada Somaliland Ku Hayso Xoriyadii Saxaafada.

Waxa Ay Shegeen In Xukuumada Kulmiye Ay ilawday Halgankii Dheeraa Ee Loo Soo Maray Xoriyada Dalka,Isla Markaas Shacabka Iyo Saxaafada Afka Ka Xidhay.

Waxa Ay Sidaasi Ku Shegeen Shirjaraa’id Oo Ay Saaka Ku Qabteen Magaalada Hargaysa Markii Ay Maxkamadu Mudaysay dhagaysiga Dacwada Wargayska  Haatuf.

 

madasha iyo mucaaradkaUgu Horen Waxa Halkaasi Ka Hadlay Wasiirkii Hore Ee Wasaarada Maaliyada Somaliland Ahn  Masuul Ka Mid Ah Madasha Wada Tashiga Eng: MaxamedXaashi Cilmi Waxaana Uu Yidhi “Madasha Wada Tashiga Iyo Toosinta Qaranka Somaliland Waxa Ay Usoo Baxday Ee Kalifay In Ay Samaysanto Waxa Ay Ahayd Dawlada Ayaa Wixii Ay Qabatay La Waayey Mucaaradkii Ayaa Qaban Waayey Baarlamankii Ayaa Isna Qaban Waayey Sharci Oo Dhan Ayey Jiidheen Kolkaas Ayaanu Isku Uruursanay Oo Aynu Nidhi Maxaa Aynu Yeelnaa Maanta Dalka Baa’baye Oo Aynu Waliba Ka Hadalno Xaalada Maanta Taagan Waliba Xukuumadu Arinkaas Way Dhibsatay Wada Tashigu Waxa Xun Maaha Toosintuna Waa Waxa Iyana Fiican Runtii Maa Ay Ahayn Markaas Waxa Meesha Ka Muuqatay Inaanay Xukuumada Maanta Jirtaa Doonayey Wada Tashi Ee Ay Doonayso In Ay Dalka Burburiso.

Waxa Uu Sheegay Dalkii Loo Soo Hal-Gamay Iyo Dadkii Dalka Usoo Dhintayba Waxa Uu Go’aankoodu Ahaa In Ay Xukuumada Maanta Jirtaa Ay Dul-Martay Waxaana Uu Yidhi”Dumarkii Asayd U Qaaday Dadkii U Dhintay Maanta Waxa Ay Dalkii Ka Taagan Yihiin Waad La Socotaan Waxaan Leeyahay Somaliland Maanta Meel Halis Ah Ayey Maraysaa Waad La Socotaanoo Wasaaradii Ugu Dakhliga Badan Waa Ta Macdanta Iyo Tamarta Wixii Kasoo Baxana Waxa Qaybsada Madaxtooyada Iyo Wasaarada Waxaan U Arkaa Maanta Dalkii Somaliland Inuu Kasii Daro Mooyaane Inaanu Kasoo Raynayey. Dhinac Kale Waxa Inaa Halkaasi Ka Hadlay Cabdirashiid Riyo Raac Oo Ka Mid Ah Masuulyiinta Sarsare Ee Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Wadani Waxaanu Sheegay In Ay Waraaq U Gudbiyeen Madaxwaynaha Somaliland Waxaana Uu Yidhi” “Waxaanu Warqad Talo-Bixina U Gudbinay Madaxweynaha Somaliland, Waxaana Warqadaas Saxeexay 328-Qof, Oo Waxa Warqadan Qorey Ururada Xusuuqal Iinsaanka,Ururka Qareenada, Ururada Bulshada Rayidka Ah, Labada Xisbi Mucaarid (UCID Iyo WADDANI), Madasha Wada-Tashiga, Xubno Ka Tirsan Golaha Wakiillada,Xubno Ka Socday Golaha Guurtida Iyo Aqoonyahano Madax-Banaan,Ururka SOLJA.Markaa Waa Waraaq Lagu Dhan Yahay Oo Dhameystiran Ayaan Madaxweynaha U Gudbinay,Waana Nalaga Qabtay Waraaqdii Oo Waxaanu Ku Wareejinay Xafiiska Uu Fadhiyo Axmed Jaamac,Waxaana Na Loo Balan-Qaaday In Galabta Madaxweynaha Loo Gudbin Doono” Mar Uu Eng. Cabdirashiid Ka Hadlayey Waxa Ay Tahay Waraaqadan Ay U Gudbiyeen Madaxweynaha Waxa Uu Yidhi”Waxaanay Waraaqdani Ka Hadlaysa Xorriyada Saxaafadda Iyo Madax-Banaanida Somaliland, In Wixii Waxyeelaya Laga Ilaaliyo,” Mawliid Faarax Muuse Oo Ka Socday Ururada Xuquuqal Iinsaanka Oo Isna Halkaasi Ka Hadlay Ayaa Waxa Uu Yidhi “Waraaqdayada Waxaan Ku Soo Gunaanadnay Tallo Soo Jeedin Ah In Wargeyskii HAATUF Iyo HUBAAL Iyo Somaliland Times Sia Ugu Dhakhsaha Baddan Laga Qaado Xayiraada,Waxa Kale Oo Aanu Madaxweynaha U Soo Jeedinay Inay Xukuumaddu Joojiso, Ficilada Kale Ee Waxyeelaynaya Madax-Banaanida Saxaafadda”

Sidoo Kale Waxa Isn Shirkaas Jaraa’id Ee Ay Qabteen Ka Hadlay Guddoomiye Ku Xigeenka Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Wadani Waxaana Uu Yidhi”Runtii Anigu Ma Qabo In Ay Xidhan Tahay Haatuf Iyo Hubaal Oo Kaliyi Lakiin Anigu Waxaan Qabaa In Ay Saxaafadii Somaliland Oo Dhami Ay Xidhan Tahay,Xukuumada Uu Maanta Hogaaminayo Madaxwaynah Somaliland Sifadii Ay Dalka Ku Timid Way Garan Wayde,Maata Waxaad Ogtihiin In Ciidanka Somaliland Amar Uu Bixiyey Madaxwaynaha Somaliya Ay Kaga Soo Baxeen Magaalada Taleex Waa Nasiib  Daro Ayaan Leeyaha Dalka Madaamo Uu Jiray 24sannadood Oo Doorshooyin Badani Dalka Ka Dhaceen,Markaas Qadiyada Somaliland Ee Madaxbanaani Gorgortan Gali Mayso Waxaan Madaxwaynaha Somaliland Usoo Jeedin Lahaa Intaad Saxaagada Somaliland Ku Mashquulaysiin Cadawga Hareerihiin Taagan Ayaa Idiinka Baahan Xasan Sheekh Maxamuudna Haloo Jawaabo,Ma Dalka Xasan Sheekh Maxamuud Ayaa Xukuma Mise Madaxwayne Siilaanyo,Sidii Amar Ubixin Karaa Siduu U Odhan  Karaa Taleex Halaga Soo Baxo Waa Waxa Meel Ka Dhac Ku Ah Shacabka Reer Somaliland Waxaan Shacabka Ugu Baaqayaa In Ay Arintaas Ka Dhiidhiyaan.

XUKUUMADA SOMALILAND OO KA HADASHAY WADA-HADAL TALEEFANKA KU DHEX-MARAY MADAXWEYNE SIILAANYO IYO XASAN SHEEKH MAXAMUUD

0

Hargeysa (Hubaal) -Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay wadahadal dhinaca taleefanka ah oo uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud sheegay inuu la yeeshay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), kaasoo ay kaga wadahadleen xaaladda degmada Taleex ee gobolka Sool oo dhawaan Ciidanka Qaranku gaadheen, Maamul-goboleedka Puntland-na ka qayliyey.

 

silanyo vs hasan shiekhWasiirka Wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis,ayaa ka hadlay waxa ka jira xidhiidh dhinaca Taleenka ku dhex-maray Madaweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Somaliland, waxa ay kaga wadahadleen iyo weliba kulan uu toddobaadkii hore sheegay inay isaga iyo Wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde kula yeesheen Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland Cabdiwali Gaas oo uu Wasiir Puntland ka tirsani beeniyey. Waxaanu ku dooday in Wasiirka beeniyey kulanka ay Gaas la yeesheen aanu waxba ka ogeyn kulankooda iyo waxay is-yidhaahdeen toona.

Waxaanu Wasiirka arrimaha dibeddu sheegay in dublamaasiyad ka socota Ingiriisku wax ka weydiisay kulankii ay la yeesheen Madaxweynaha Puntland, kana hadlay jawaabtii Madaxweyne Siilanyo ugu sheegay xidhiidh khadka telefoonka ah oo uu Madaxweynaha Soomaaliya la soo sameeyey, isagoo Madaxweyne Siilaanyo kala hadlay arrinta Taleex.

Wasiirka arrimaha dibedda oo la weydiiyey hadal Wasiir ka tirsan Puntland ku beeniyey kulan dhex-maray Somaliland, ayuu sheegay inuu maqlay, balse isaga iyo Wasiirka arrimaha gudahu la kulmeen Madaxweynaha Puntland, waxaanu ku jawaabay; “Wuxuu noo sheegay Madaxweyne Cabdiweli Gaas inaanu doonayn dhibaato dhex-marta Somaliland iyo dagaal, balse doonayo nabad iyo walaaltinnimo dhex-marta. Markaa, sidii labada dhinacba isaga ilaalin lahaayeen rabshadda ayaan kala hadlaynay. Nalamuu joogin Wasiirka ka hadlay markaannu Madaxweynaha kulannay.”

Mar la weydiiyey Wasiir Biixi xidhiidh Madaxweynaha Soomaaliya sheegay inuu la soo yeeshay Madaxweyne Siilanyo, inuu keenay ka soo bixitaankii Ciidanka Somaliland ee magaalada Taleex, iyo wuxuu ku saabsanaa, waxa uu ku jawaabay; “Markuu soo hadlay Madaxweynaha Soomaaliya aniga iyo Wasiirka arrimaha guduhu waannu la joognay Madaxweynaha. Madaxweyne Siilaanye wuxuu u sheegay in Taleex dhulka Somaliland yahay, cidna u dabo fadhiisanayn tegitaankiisa, rabshadna aanay u tegin, balse aanay aqbalayn in shir kooxda Khaatumo halkaa ku qabato. Nimankii nabad-diidka ahaa markaannu nimidna way ka carareen, annaguna waan ka soo noqonnay.”

HUBAAL MEDIA: Daawo VIDEO Dhamaystiran Oo Muujinaya Madal Kulmisay Mucaaridka & Muxaafidka Somaliland Oo Lagu Xusay Maalinta Saxaafadda Adduunka Oo Hargeysa Lagu Qabtay

0

HUBAAL MEDIA: Daawo VIDEO Dhamaystiran Oo Muujinaya Madal Kulmisay Mucaaridka & Muxaafidka Somaliland Oo Lagu Xusay Maalinta Saxaafadda Adduunka Oo Hargeysa Lagu Qabtay

Siyaasiyiinta halkaa weerarka iyo weerar-celinta isku dhaafsaday waxaa ka mid ahaa Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax oo hore KULMIYE uga tirrsanaan jriay, balse laga saaray oo hadda ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, Wasiirkii hore ee Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe), Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Xisbil-xaakimka KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed iyo Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse).

“Siilaanyo Saxaafaddii wuu ku guuray, Baarlamaankiina wuu ku guuray, intaaba immika wuu ka dul-tallaabsaday oo wuxuu yidhi; ‘idiinma baahnin…” Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax
********
“Dadku sidii ay u dhacsadeen ayay u dhacsanayaan, maaha waxay ka dhaqaaqayaan oo ay ka tegayaan, maaha wax baryo ah, maaha wax cid laga tuugayo, weliba nidaamka maanta jooga mid laga baryayo maaha..” Boobe Yuusuf Ducaale
********
“Maxamed Xaashi baa halkan fadhiya, shalayto dawladduu ahaa, Wasiirka Maaliyadduu ahaa, haddii maalintuu Wasiir ka yahayna ay dawladdu wada Malab tahay, maalintuu ka baxana ay wada Xun tahay maxaa laga yeelayaa? Saaxiibkay Boobe shalayto Wasiirka Warfaafinta ayuu ahaa..” Maxamed Kaahin Axmed
********
“Madaxweyna…Dawladdiisu inay xun tahayna idinkaannu idinka maqalnaa, Madaxweynaha haddaad nala qirteen inuu wanaagsan yahay, dee dhashiisuna way wanaagsan tahay…” Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)

 

GUDDOOMIYE MUUSE BIIXI CABDI OO SHAACA KA QAADAY IN UU ISU SHARAXI DOONO JAGADA MADAXWEYNENIMO EE 2015-KA

0

Hargeysa (Hubaal) -Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ayaa shaaca ka qaaday in uu tartamayo Doorashada Madaxtinimada ee 2015-ka.

Guddoomiye-MuuseGuddoomiye Muuse Biixi Cabdi,waxa uu sidoo kale sheegay in haddii uu Madaxweyne Siilaanyo isa soo sharaxo in uu la tartami doono

muuse-biixi“waxaanu rabaa in aanu raadino Ictiraafkii Somaliland,23 Sanno oo dalkani xor ahaa ictiraaf muu helin,waxaananu rabnaa in aanu xoojino Siyaasadayada Arrimaha Dibada Insha Alaah Arrintaa Ictiraafkana guulbaa laga gaadhi doonaa”

“Horta qabyaaladu waa wax ku wayn Soomaali oo dhan meel kasta oo ay joogaan,gaara ahaan marka dadku dagaalo galaan inagu imika in badan ayanu qabyaalada ka gudubnay,KULMIYE hore dadka qabyaalada wuu uga Saaray immikana wuu ka saarayaa,waxaan rabaa in aan qabsado Kursiga uga sareeya Somaliland qof kastaana xaqbuu u leeyahay in uu is sharaxo,waan soo dhaweynaa in uu Madaxweynuhu isa soo sharaxo hadaanu Tartanana waa qurux”

HUBAAL TV:DAAWO Filim Maqal iyo Muuqaal Ah Oo Raad-raacaya Tiir-dhexaadka & Taariikh-nololeedkii Hoggaamiyihii Somaliland Uga Tegey Dhaxalka Dawladnimada

0

Filimkan Waxa Soo Diyaariyey, Isla Markaana Habayntiisa iyo Isku dubarridkiisa Bulshada U Huray bahda HIMILO Ee Daawasho Wacan.

HUBAAL TV:DAAWO Filim Maqal iyo Muuqaal Ah Oo Raad-raacaya Tiir-dhexaadka & Taariikh-nololeedkii Hoggaamiyihii Somaliland Uga Tegey Dhaxalka Dawladnimada

Cigaal iyo CabdiraxmaanHargreysa (Hubaal)- Sanad-guuraddii 12aad ee kasoo Wareegtay Geeridii Madaxweynihii Labaad ee dalkan Jamhuuriyadda Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo 03-dii bishii Meey ee sanadkii 2002-dii ku geeriyooday Cusbitaal Militari oo ku yaalla Magaalada Pretoria ee dalka Koonfur afrika, halkaas oo uu u jiifay Qalliin lagu sameeyey, isla markaana 05-tii isla bishaas Aas Qaran loogu Sameeyey Magaalo Xeebeeda Berbera oo uu Marxuumku ku dardaarmay in lagu barbar aaso Aabihii Marxuum Ibraahim Cigaal ayaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa Filim Dhukumentari ah oo ay bahda HIMILO Media Group inoo soo diyaariyeen.

Filimkan waxa uu koobsanayaa taariikhdii nololeed, middii Siyaasadeed iyo waayo-aragnimadii hoggaamineed ee uu u jeexay haykalka dawladnimo ee Somaliland Maanta ku naalloonayso.

Barnaamijkan oo dhamaystiran Fadlan Halkan ka daawo.

HALKAN KA AKHRI: Taliyaha Booliska Oo Ka Hadlay Qarax Ka Dhashay Booyad Shidaal Oo Hargeysa Qallibantay

0

HALKAN KA AKHRI: Taliyaha Booliska Oo Ka Hadlay Qarax Ka Dhashay Booyad Shidaal Oo Hargeysa Qallibantay

taliye-fadal1Hargeysa (Hubaal)-Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa ka warramay qaraxii ka dhashay Booyad shiidaal siday oo galabta ku gadoontay agagaarka isgoyska xaruntii hore ee Hay’adda UNICEF ee magaaladda Hargeysa.
Taliyaha Ciidanka Booliska oo caawa u warramayay warbaahinta waxa uu sheegay in Booyadaasi qalibantay ka dib markii ay dalcada wadada xaafadda Xero awr ka soo daadegtay isla markaana biriigii qaban waayay.
Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan waxa uu sheegay in Booyadaasi ay ku dhacday isgoyska jidkaasi isla markaana qaraxii ka dhashay shiidaalku uu sababay dhimashada hal qof oo ahaa dirawalkii Booyadda isla markaana dhaawacyo kala duwani ay soo gaadheen kirishboygii iyo wiil dhalinyaro ah oo kale.
Taliyaha Ciidanka Boolisku waxa uu intaas ku daray in dabkii ka dhashay shiidaalkii Booyaddu uu gaadhay laba guri uu khasaare balaadhani soo gaadhay.
Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan waxa uu u mahad celiyay boqolaal ka mid ah dadweynaha ku dhaqan caasimadda oo uu ku ammaanay inay gurmad balaadhan ka galeen sidii dabkaasi loo bakhtiin lahaa isla markaana aanu dabku ugu fidin xaafadaha ku gadaaman goobta booyaddu ku qalibantay.
Taliyaha Ciidanka Boolisku waxa kale oo uu ammaanay gaadiidlayda Booyadaha iyo ciidanka Booliska oo iyaguna kaalin weyn ka qaatay bakhtiinta dabkaas.
Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan waxa uu dhambaal tacsi ah u diray qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay dirawalkii booyadda eeku geeriyooday shilkaas, waxaanu ILAAHAY uga baryay inuu naxariistii jano ka waraabiyo, qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.
Taliyaha Boolisku waxa kale oo uu sheegay inuu ILAAHAY uga baryayo inuu shaafiyo labadii qof ee ku dhaawacmay shilkaas.
Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan waxa uu intaas ku daray in ciidanka Boolisku ay baadhayaan asbaabaha dhaliyay Booyada qalibantay.

Hello world!

0

Welcome to WordPress. This is your first post. Edit or delete it, then start blogging!