Guriga Blog Page 2

“Degenaanshiyo Iyo Nabada Oo Lagu Gaadho Horumar, Waxa Lagu Helaa Raacida Kitaabka Alle”

0

Hargeysa (Hubaal) Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil ayaa sheegay inaan degenaansho iyo nabadgelyo la helayn hadii kitaabka Alle laga tago, bulshada ugu baaqay hadii ay doonayaan degenaanshiyo iyo nabad inay kitaabka Alle raacaan.

Khudbadii Jimcaha maanta (shalay) oo Sheekh Mustafe kaga hadlayey sida lagu helo nabada ayaa yidhi, “Ilaahay SW waxuu kitaabkiisa ku tilmaamayaa reer Nabi Aadanow, hadii ay idiin yimaadaan Rusul, xagayga ka socota, oo idiinka mid ah, oo idiinka waramaan aayaadkayga SW, kuwii Ilaahay SW ka cabsada, ee qaata waxay Rusushu ula timi, ee suubanaada (hagaagsanaada) oo acmaashiisa wanaajiya, tiiraanyo iyo baqe-toona korkooda ma ahaanin” ayuu Ilaahay SW yidhi.

Bani’aadamka mushkilada ugu badan ee dunnida ku qabsada waxa ka mid ah baqe iyo werwer, Ilaahay SW aayado dhowr iyo toban gaadhaya ayuu ku tilmaamay waxyaalada kaxeeya werwerka iyo baqdinta.

Qumanidu kitaabka Alle ayey ku jirtaa bani’aadamku markuu ka tago laba mid ayuu maraa, mid ah fawdo, dadku inaanay yeelan nidaam iyo kala dambayn ama duqyaan, diktaytar, kuwo kibray inay dadka maamulaan, dabadeed dadki xoriyadoodii waayaan, oo baqe iyo cabsi ku abuurta.

Ummada waxuu qof walba nabada dareemaa markuu raaco kitaabka Alle. Degenaanshiyaha iyo nabada oo lagu gaadho horumarka iyo xadaaradda bani’aadamka, waxa lagu helaa raacida kitaabka Alle. Dadka oo nabad iyo amni waaya waa jidka dib-u-dhaca noolahu maro.

Sheekh Mustafe ayaa sheegay in Ilaahay SW inoo tilmaamayo in nabada iyo amniga kitaabkiisa laga helo “kuwii raaca jidkayaga, werwer iyo baqe uma sugnaan”

Sheekh Mustafe ayaa sheegay in qofka maamulka ummada haya haduu cadaaladda ka tago degenaanshaha la waayayo, waxaanu yidhi, “Hadii maalinba aynu nidhaahno waa maalintayadii, oo maalinba reer ha boobo, dabadeedna reerkaasi gar iyo gardaro difaac ugu jiro in ninkoodu meesha fadhiyo?  Hadii sidaasi dhacdo ummadu ma guulaysanayso.

Sheekh Mustafe ugu baaqay inta wax qorta ee warbaahinta ku jirta inay Ilaahay ka baqato, waayo warbaahintu waa waxa roga. Beenta badan ee la faafinayo, wararka aan la hubin ee la akhrinayo, waa waxa ummadaha halaaga.

Iclaamka hal tusaale haddaynu ka bixino waxuu samayn karo Nebi Muxummed NNKH, oo amiin loo yaqaanay intaan diintu ku soo deign, iyo intuu waxyigu ku soo degayba caan ku ahaa, ayaa qabiilkii Quraysh ku tashatay inay war ka faafiyaan. Warku waa maxay? Inuu nin waalan yahay, ka dibna dacaayadaas ayey faafiyeen?

Saxaabi Damaam la yidhaahdo ayaa waxuu leeyahay, ‘magaalada Maka ayaan soo galay, dadka magaalada dibedeeda ayaa loogu sheegayey dacaayada Nabiga NNKH la faafinayey ninba magaalada jooga dadka sixree, iska ilaali’ siday warkii iigu wadeen ayaan markii dambe is-idhi malaa ninku wuu xanuunsanayaaye, isku dey inaad daweyso?

Nabi Muxummed NNKH ayaan u imi? kuna idhi “Waxoogaa Ayaan ku tufa dadka madaxa looga jiree, Ma kugu tufa?   Dabadeed markaa ayuu Nabigu NNKH ila hadlay, ka dib ayaan ogaaday in ninka sidaa u hadlaya ahayn nin waalan, oo islaamay!

Marka hdii Nabi Muxammed NNKH inta dad u shiro hadii la odhan karo wuu waalan yahay? Oo dadka laga dhaadhicin karo, inteena kalena inaynu waalan nahay waa la innaga dhaadhicin karaa? Markaa warbaahintu inay dadka fasaadiso ama kheyr ka shaqeynayo farista wanaaga, iyo reebitaanka xumaanta, quraanku in badan ayuu ka hadlayaa waxaanu ku tilmaamay inay yihiin waxyaabaha keensada in nabad iyo degenaansho la helo.

Sheekh Mustafe ayaa sheegay in ummadu keliya wanaagsanaan karto marka kitaabka Ilaahay SW ay raacaan. Dad badan oo ummadeena ka tirsan ayaa aaminsan haddaynu kitaabka raacno inaynu lumayno? Oo gaaladu inna maagayso? ama la guulaysan waayo, shaki baa ku jira? Hadday taasi timaadana iimaankeena dib loogu noqonayaa? Bal caqiidadeena iyo waxaynu rumaysan nahay inay sax yihiin iyo inkale? baa imanaysa.

Hadii aynu Ilaahay SW ka doorano guddi bani’aadam ah oo inta meel la fadhiisiyey la yidhi wax bay inoo qorayaan, wadaad iyo wabiin qolada ay doonaan ha noqdaane? Waar ma bani’aadam ayeynu dhinac dhigayna Ilaahay SW!

Muuse Biixi: “Tallaalkii Anigu Waan Qaatay Wax Laga Baqdona Malaha”

0

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Daah-furay Tallaalka Xanuunka Covid-19 oo Somaliland soo gaadhay

Hargeysa (Hubaal) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay daah-furay ololaha qaran ee tallaalka xanuunka Covid-19 oo dalka ka bilaabmay, waxana uu madaxweynuhu si rasmi ah u qaatay dhibcihii ugu horreeyey ee tallaalka covid-19.

Munaasibadda Daah-furka ololaha qaran ee tallaalka xanuunka Covid-19, ayaa madaxweynaha waxa kala qayb-galay badiba xubnaha ugu sarreeya qaranka oo ay kamid yihiin guddoomiyaha golaha wakiillada, hoggaanka saddexda xisbi-qaran, xubnaha guddida doorashooyinka qaranka, qaar kamid ah golaha wasiirrada iyo agaasimeyaal guud, kuwaas oo dhammaantood qaatay dhibcaha tallaalka ee xanuunka covid-19.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna dhankiisa shaaciyey inay qaadashada tallaalku si rasmi ah u bilaabantay, laguna saleeyey qorshaha wasaaradda horumarinta caafimaadku u dejisay oo ay kaalinta koowaad leeyihiin dadka safka hore, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Maanta waxaynu bilaabaynaa tallaalkii karoonaha oo dhawr cisho ka hor ina soo gaadhay, wasaaradda caafimaadkuna waxay u diyaariyeen dadka xagga hore u taagan la dagaallanka xanuunkan ee ay kamid yihiin bahda caafimaadka, ciidamada iyo dadka ugu nugul ee da’da ah ama cudurada gaarka ah qaba.”

Madaxweynuhu waxa uu bulshada u caddeeyey inuu si rasmi ah u qaatay dhibcihii tallaalka, dunida oo dhammina isku raacsan tahay waxtarka tallaalkan iyo badqabkiisaba, isaga oo meesha ka saaray shakiga dadka qaarkii ka muujinayo,“Tallaalkii anigu waan qaatay, wax laga baqdona malaha, marka lagu durayona dareemi maysid gacantii in lagu duray iyo in kale, wax Alle iyo wax shaki ah oo uu leeyahana ma jirto, adduunka oo dhammina wuu isku raacsan yahay, markaa dadka shakiga qaba ee leh wax baa qaldan, haddii ay Yurub tahay iyo haddii ay Maraykan tahayba waxa la isku raacay inuu yahay 100% mid aan Bani’aadmka waxba yeelaynin, 80%-na waxtar u leh,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Muxuu Noqon Karaa Xalka Iyo Mustaqbalka Guurtida Somaliland

0

Waxa Qoray: Prof. Abdinasir I. Saacadaale

Inkasta oo aanay weli aqoonsi helin, horumar badan oo ay gaadhi kari lahaydna ka gaabisay, haddana 30sanno kadib wali Somaliland waxa ay si uun ugu sifaysan tahay in ay leedahay nidaam dawladeed oo xassilan isla markaana “shaqaynaya”; marka loo fiiriyo dawlad ka soo kabanaya colaado ba’an. Haddaba, Inkasta oo   jiritaankaa Somaliland ee cago jiidka ah loo sibir saari karo arrimo badan, haddana mid ka mid ah arrimahaas  oo muhiim ah ayaa ah doorka dhaqanka iyo oday-dhaqameedku ku leeyahay nidaamka dawladeed ilaa markii la aasaasay. Isla falgal gelinta nidaamka dawladnimo ee casriga ah iyo qaab nololeedkii qabaliga ahaa ee Soomaligu waxa uu gacan wayn ka gaystay in uu is fahamsiiyo isla markaana xidhiidh togan ka dhex abuuro dawladda iyo qaab-beeleedka nidaamka bulsho ee Soomaaligu u habaysanyahay. Waxaanu gacan muhiim ah iyo door shariif ahbana ka qaatay xisilintii iyo unkiddii nidaamka  dawladnimo  xilliyadii dib u dhiska iyo sal-u-dhigidda qaranka hawshiisu bilawga ahayd.

Si kastaba ha ahaatee, Inkasta oo qaabka hay’adeed  iyo shaqada “Guurti”du ay sii kobcaysay laga soo bilaabo maalmihii SNM bilaabantay; xilliyo kala duwanna loo adeegsaday arrimo diblomaasiyeed iyo qaar nabadayneed intaba, haddana dastuurkii meel marka noqday sannaddii 2000 ayaa ah ka sugay sharcinimada ahaanshaha “Guurti”da ee hayad dawladeed oo rasmi ah. Intii ka horaysay badhtamihii 2000, “Guurti”du waxa ay ahayd gole maamuus badan ku leh bulshada dhexdeeda iyada oo lagu majeeran jiray  hawlihii ay qabatay xilliyadii SNM iyo doorkii ay ka qaadatay xillintii khilaafaadkii beelaha ee 90nadii, iwm.  Si kastaba ha ahaate, waxa wax badani is badaleen wixii ka dambeeyey 2003 oo ah xiligii ay bilaabmeen dib u dhacyada doorashooyinka “Guurti”da, iyo kordhinihii waqti xileedka madaxweynaha iyo Aqalka Hoose ee baarlamaanku, iyada oo axsaabta mucaaradka ahina walaac ka muujinayeen kuna canaanayeen korodhsiimooyinkaa xidhiidhka iyo isu dhawaanshaha sii kordhayay ee Waaxda Fulinta iyo “Guurti”da. Gar iyo gardarro tii ay doontaba ha ahaatee, arrintani waxa ay bulshada dhexdeeda “Guurti”da uga abuurtay niyad xumo badan, iyada oo isla markaana si xoog ah u wiiqday kalsoonidii lagu qabay dhexdhexaadnimadooda , guud ahaanna xilligaa wixii ka dambeeyey shaqadii “Guurti”du ku soo ururtay mid maamuus (ceremonial) iyo in loo “arko” gole hadba cidda midida daabkeeda haysaa ku meelmarsato ajandaheeda,  halkii ay ka ahaan jirtay marjac lagu wada kalsoonyahay oo loo laabto marka arrimuhu murgaan.

Dhanka kalena, walaaca sii kordhayay ee bulshada ka muujinaysay isku milanka dhaqanka iyo nidaamka dawladeed ee casriga ah waxa sii murgiyay in Somaliland gashay xilli taariikheed “labaad” oo ah qaadashadii nidaamka diimuqraadiyadda ku dhisan axsaabta badan iyo waliba u gudubkii xilli lagu tilmaami karo in uu ahaa  “Xiligii ka dambeeyey xaalad-dejinta” ( post stabilization period).  Xilligani waxa uu la kawsaday curashada doodo xoog badan oo ku qotoma doorka ay yeelanayaan, iyo qaabka hogaanka dhaqanku uga sii mid ahaan karo nidaamkan cusub ee dalku u guuray.  Iyada oo dadbadani u arkayeen in is-diido ka dhex jirto dhiirigalinta in hogaan-dhaqameedku door heer qaran ah yeesho dawladnimida, iyo dhismaha hay’ado dhexe oo dawladnimo oo taabbogal noqda. Marka lagu daro in aanay hogaan dhaqameedku lahayn aqoontii iyo rabitaankii (incentive) ay kaga qayb qaadan kari lahaayeen dhiirigalinta iyo dhismaha hayado dawladeed oo qaban kara wixii ay iyagu qaban jireen iyo ka badan.  Dooddan gundhigeedu waa in oday dhaqameedku nabadda wax ka dhisi karo hase ahaatee aanu dawlad dhisi Karin!

Intaa waxa dheer in “Guurti”da oo taariikh ahaan ahayd gole dhaqan ay si aan ku talagal ahayn isugu badashay gole siyaasadeed, markii golaha oo aan markiisii hore ahayn mid siyaasadeed noqday hay’ad sharci dejineed  (baarlamaan) oo qayb ka ah nidaam dawladeed oo ku dhisan habka axsaabta badan.  Sida curfiga  ahaydi waa in aqalka baarlmaanku (sharci dejintu) noqdo hay’ad dimuqraadi ah oo xubnaheeda si toos ah dadku usoo doortaan.  In sidan la yeelaase waxa ay ka hor imanaysaa xaqiiqada ah in aan hogaamiyayaasha dhaqanku ahayn qaar dimuqraadi ah oo muddo markii la joogaba la soo doorto.  Marka dhankan laga fiiriyana waxa muuqanaysa in labada nidaam maamul ee midi dhaqanka ku salaysan yahay (customary governance) ka kalena yahay kan casriga ah ee dimuqraadigu aanay si fudud isu dhexgali Karin!

Hadana, si kasta oo dadbadani uga gaws adaygayaan kasii mid ahaanshaha hogaan dhaqameedka ee dawladda, haddana waxa aan la dafiri Karin in weli dawladnimadeenu daldaloolo badan leedahay. Iyada oo aan wali nidaamka dawladeed ee Somaliland si buuxda isugu wada fidin meelihii iyo sidii bulshadu uga baahnayd oo dhan.  Tusaale ahaan, Maxkamadaha , Bilayska iyo guud ahaan hayadaha dawladeed waxa ay ku xoog badanyihiin magaalooyinka marka la barbardhigo meelaha kale. Gaar ahaan marka la fiiriyo arrimaha la xidhiidha “garsoorka” iyo “amniga” waxa inta badan dadka aan deganayn meelaha magaalooyinka ahi magan u yihiin inta badan sida xeer dhaqameedka iyo hogaan dhaqameedku hadba ka yeelaan. Tan macnaheedu waxa weeye in haddii wax ka dhacaan meelaha aanay weli kaabayaasha dawladnimo ku xoog badnayn, saraakiisha dawladduna aanay si fudud u gaadhi karin, hadii xattaa ay gaadhaanna saamaynta ay ku yeelan karaan yartahay; hoggaan dhaqameedka ayaa noqonaya jilayaasha u haboon.

Xaqiiqada caynkaas ahi waxa ay muujinaysaa baahida loo qabo in dib u eegis lagu sameeyo Doorka, Meeqaamka (position) iyo Masuuliyadaha ay yeelanayso “Guurti”du ka hogaan dhaqan ahaan.  Iyada oo ay tahay in aan waxa laysku mashquulinayaa noqon sidii golaha looga dhigi lahaa mid dimuqraadi ah oo axsaabta siyaasadda ku milma, ee ujeedadu noqoto halkii la dhigi lahaa ee ugu habboon iyo sidii qaranka loogaga faaiidayn lahaa halka haybaddooda iyo xirfaddoodu wax tarka uga yeelan karto oo ah HEER DEGAAN.

Haddaba, hadii ujeedadu sida aan kor ku xusnay noqoto wax ka qabadka arrimaha degaan kasta u gaar ah iyada oo loo adeegsanayo ciddii hadba ku haboon, “Guurti”da ama hogaan dhaqameedka waxa ay tahay in ay qayb ka noqdaan qaab-dhismeedka Dawladaha Hoose, halkaas oo door muhiim ah oo ay arrimaha bulshada ka qaadan karaan uga bannaanyahay, gaar ahaan arrimaha amniga iyo xallinta khilaafaadka beelaha hadba wada dega degaan gaar ah, marka lagu daro isku xidhka dawladda iyo bulshada degaanka. Dhanka kalena, qaabdhismeedka dawladeed in halkan laga geliyaa waxa kale oo ay sahlaysaa in hoggaan dhaqameedka laga xakamayn karo arrimaha siyaasadda intii suuragal ah.

Hadii la isla qaato fikirka ah in “Guurti”da loo daadejiyo heer Dawlad Hoose ama degaan, Dawladaha Hoose waxa ay ka koobnaan doonaan “Guurti” ama hogaan dhaqameed iyo xubnaha golaha degaanka ee laga soo doorto degaankaas.

Dhanka kalena, “Guurti”da degaanku waxa ay ka koobnaan doontaa Caaqilada diwaangashan ee degaankaas.  In “Guurti”du noqoto caaqilada degaanku waxa ay sidoo kale kor u qaadaysaa xushmadda iyo taageerada ay ku dhex haystaan bulshada degaankaas, iyada oo isla markaana meesha ka saaraysa mad madawgii ku jiray sida xubnaha “Guurti”da lagu soo dooranayo.

Arrin kale oo aan ka ahmiyad yarayn taa hore kana dhalanaysa hadii “Guurti”da loo daadejiyo heer Dawlad Hoosaa ayaa iyana ah in ariintaasi cashuur bixiyaha iyo qarankaba u badbaadin doonto lacag badan.  Tusaale ahaan, Sida haatan wax yihiin, waxa hadda shaqooyin mid laysaga dhigi karo laba lacagayow ku kala qaata Caaqilada iyo xubnaha “Guurti”da. Tusaale ahaan, shaqadii asalka ahayd ee “Guurti”du waxa ay ahayd xallinta khilaafaadka waana mid ka mid ah hawlihii sida caadiga ah ay ugu xilsaarnaayeen caaqilada iyo hogaan dhaqameedka beeluhu.

Marka la soo urursho, doorka cusub ee Hogaan Dhaqameedka ama “Guurti”du ka cayaari karto dawladaha hoose waxa lagu soo ururin karaa sadex arrimood:

  • Door la talineed, iyaga oo qayb ka ah maamulka degaanka hadba la joogo , waxa ay kala talin doonaan dawladda dhanka arrimaha la xidhiidha baahiyaha degaanka;
  • Door dhanka horumarka degaanka ah, kaasoo badhi taaraya dedaalka dawladda ee u abaabulka dadwayna dhanka ka qaybgalka iyo hirgalinta mashaariicda horumarka;
  • Door ay ku yeeshaan xallinta khilaafaadka iyo deminta colaadaha, dhankanina waa meel taariikhdu uga marag kacayso guulo badan oo hore’ hogaanka dhaqanka.

Si hadaba is bedal caynkan ahi u dhaqan galo waxa loo baahan doonaa shuruuc cusub iyo xattaa wax ka bedal lagu sameeyo dastuurka si loo sharciyeeyo qaab dhismeedka cusub ee dawladaha hoose. Iyada oo waliba sharcigan cusubi si faahfaahsan u sheegi doono awoodaha iyo shaqooyinka cusub ee ay “Guurti”du ku dhex yeelanayos dawladaha hoose.

Gebogabadii, inkasta oo aanu maqaalku ku doodayn in qaabkan oo loo maareeyo mustaqbalka guurtidu (hogaanka dhaqanku)  uu yahay  habka keliya ee saxda ah, haddana waxa hubaal ah in qaabkani uu noqon karo habka ugu hormuudsan qaababka laysku waafajin karo nidaamka maamul ee dhaqanka ku dhisan iyo kan casriga ah. Si kasta oo xaal noqdo, Waxa hubaal ah in “Dhaqanku” wali door ku sii yeelan doono nidaamkeena dawladnimo mudada dhaw, xilka inna saaranina uu yahay in aan u hello halka ugu haboon ee uu ka geli karo nidaamka dawladeed. Doodda maqaalku waa in doorka hogaan dhameedka loo daadejiyo heerka maamulka Dawladaha Hoose, oo aanay door ku yeelan sharci dejin iyo siyaasadtoona!

Qoraaga: Abdinasir I. Saacadaale waa bare jaamaceed oo takhasus gaar ah u leh lafagurka iyo dejinta Siyaasadaha Dawladda iyo Istiraatijiyadaha.

NB: Lafagur dheeri ah iyo qoraal faahfaahan oo arrintan maqaalku ka hadlayo ku saabsan waxa laga heli karaa academiyadda Daraasaadka Nabadda iyo Horumarka ee fadhigeedu yahay Hargiesa oo ah cidda maalgalisay.

“Burco-ooy, Magaaladii Labaad Ee Qaranka Boorama Ayaa Idinku Haysatee Is Muujiya” Faysal Cali Waraabe

0

“Raggii Waynu Ku Khasaarnay Badankooda Ee Doorkan Hablaha Doorta Oo Codka Siiya” Guddoomiyaha UCID, Eng. Faysal

Burco (Hubaal)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ugu baaqay dadweynaha gobollada bariga Somaliland inay qaataan kaadhadhka Diiwaangelinta. Guddoomiye Faysal, oo ka hadlayay diiwaangelinta shalay ka bilaabantay gobolka Togdheer iyo degmooyinka, Caynabo, Ceel-afweyn iyo Gar-adag, wuxuu sheegay in diiwaangelinta loo midaysan yahay axsaabta mucaaradka iyo xukuumadduba, isla markaana loo baahanyahay in laysku duubnaado, isagoo xusay khilaafyada siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya iyo mush kiladaha kale ee gobolka iyo aduunka.

Eng. Faysal Cali Waraabe, wuxuu usoo jeediyay dadweynaha in ay marka la gaadho doorashooyinka gollayaasha deegaanka iyo Baarlamaanka ee kusoo waajahan Somaliland ay ka fiirsadaan dadka ay dooranayaan.

“Waa innaynu dooranaa dad wanaagsan, hadaad aragtaan ka xaafadiina ka socda inuu ka xaafada kale ka socdaa ka wanaagsanyahay kaa doorta oo codka siiya, waxaynu u baahanahay dad Allah garanaya, weliba doorkan raggii waynu ku khasaaray badankooda ee hablaha doorta oo codka siiya doorkan, si loo helo Baarlamaan iyo golle deegaan oo loo dhanyahay.” Ayuu yidhi, Eng. Faysal oo bulshada farriin u dirayay.

Dhinaca kale, Eng. Faysal, ayaa shacbiga Magaalada Burco ugu baaqay in ay muujiyaan codkooda, maadaama ay yihiin caasiamadii labaad ee dalka, isagoo sheegay in haddii kale Boorama oo tartan kula jirtaa ka qaadayso caasimada labaad ee jamhuuriyadda Somaliland.

“Burco Magaaladii labaad ee Qaranka ayaa laydinku haystaa oo Boorame ayaa idinku haysatee is muujiya Bircoy” ayuu yidhi, Eng Faysal oo la hadlayay dadweynaha Burco.

Sheekh Caana oo Ka Naxay Mas’uulkii Yidhi ‘Masaajidda Waxba Iiguma Fadhiyaan Aadaankuna Wuu Idhibaa’

0

Nairobi (Hubaal) Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ka mid ah culimada ugu waa wayn ee Soomaalida ayaa si kulul uga jawaabay hadal uu meel fagaare ah ka yidhi gudoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Puntland ee Soomaaliya, Cabdiladhiif Muuse Nuur (Sanyare).

Gudoomiyaha oo 21-kii bishan Diseembar ka hadlayay xaflad lagu caleema saarayay maayirka magaalada Gaalkacyo ee maamulka Galmudug, Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Dhuux, ayaa sheegay hadal ay dhibsadeen qaar ka mid culimada Soomaalida.

Hadalka gudoomiyaha ee la dhibsaday ayaa u dhignaa sidatan: “Ayaan dhaweyd, masaajidbaa nin lagu hordilay, wadaadkii Imaamka ahaa baa la xira, odayaashii oo dhan baa ii yimid, waa la ila soo hadlay wadaadka hala sii daayo, wadaadkii taliyihii qeybtaan wacay waxaan ku iri wadaadka soo daa, baaridna ha gelin.”

Waxa uu Sanyare intaas ku daray “Culimadii iyo odayaashii baan qado u sameeyay waxaan ku iri culimo-allaay soo masaajid ma ahan waxa aad ka hadlaysaan, aniga waxba iiguma fadhiyo addinkiisaa I dhiba, kumana tukado, ee ama aan misaajidka ku wada tukanno oo Shabaab dagaal diin been ah bay wadaanee taxriifka ka saxa ama masaajidda waa xirxiraynaa kuligeenna guryahaan ku tukanaynaa.”

Haddaba isagoo hadalkaas ka jawaabaya ayuu Sheekh Maxamed Cabdi Umal sheegay inuu ka naxay markii uu baraha bulshada ku arkay hadalka gudoomiyaha Mudug ee Puntland.

“Haddaba hadalka noocaas ah iyo dhiiranaanta noocaas iyo indha-adeega noocaasi ah oo ruux Muslim ah oo Alle iyo aakhiro rumeysan uu ku hadlayo oo haddana baraha bulshada la soo galiyay oo dadku wada dhageysanayaan waa arrin runtii naxdin leh” ayuu yidhi Seekh Maxamed Cabdi Umal.

Dhaliisha Culimada

Gudoomiye Cabdiladhiif Muuse Sanyare oo u muuqanayay inuu culimada ku dhaliilayay sida ay uga gaabiyeen waxa uu ku tilmaamay bidhaaminta arriamaha diinta ayaa sheegay “Culimada waxaan u sheegayaa, masaajidda kaligiin ku tukan maysaan, annana bannaanka ka joogi mayno, ama waan xiraynaa ama Shabaab waa la wada diriraynaa,”

Sheekh Umal ayaa sheegay in gudoomiyuhu uu xaq u leeyahay in culimada uu u tilmaamo inay howshooda gutaan haddii uu u arkay inay ka gaabiyeen: “Waa sax in culimada lagu baraarujiyo waajibkooda iyaguna isbararujiyaan, ciddii kale ee dareemaysa inay culimada mas’uuliyaddoodii ka gaabiyeenna inay ku baraarujiso, arrin sax ah weeye,” ayuu yidhi Sheekh Umal oo intaas ku daray “In masaajidda iyo khudbooyinka ka baxaya ay umadda mashaakisha haysata lagu daweeyo, qalooca diinta lagu sameeyay lagu saxo iyaduna waa arrin sax ah, laakiin waxaa qoonsi wayn leh, dalab iyo qalooc waynna uu ku jiraa hadallada uu ninkaas daba dhigay hadalkaas isaga ah,”

“Shabaab iyo inta la midka ah oo afkaarta khaldan xambaarsan in umadda looga digo afkaarta khaldan cid walba oo xambaarsanba waa mas’alo ka mid ah masaa’isha culimada iyo masaajidda iyo ducaaddu inay ka hadlaan oo cidkasta oo khaldanta inay ka hadlaan umaddana ku baraarujiyaan waa mas’alo masaa’isha muhimka ah ka mid ah,” ayuu yidhi Sheekh Umal.

Shabaab ayaa walaalkii dilay

Gudoomiye Sanyare ayaa dhankiisa sheegay in waxa ugu badan ee loogaga hadlay xafladdaas ay goob joogga ka ahaayeen Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor, ay aheyd dhibaatada ugu wayn ee aadka loogaga eed sheegtaa ee amniga “Amnigu, Sheekhii halkan ka dhaqaaqay, Shabaab waxa ay dadka ku laayaan waa diin, magacoodana ma uusan soo qaadin, Shabaab waa daalimiin ma oran, Shabaab diin ma haystaan ma odhan, magacooda ma soo qaadin, mana ahan kaligiisee waa culimada oo dhan.”

Gudoomiye Sanyare oo hore u soo noqday xildhibaan Golaha Shacabka ee Soomaaliya, ayaa bartamihii sanadkan loo magacaabay xilka uu hayo kaddib markii walaalkii oo xilkaas uu uga dambeeyay lagu dilay qarax khasaare badan gaystay oo ay Shabaanku sheegteen “Maalintii gudoomiyihii aniga iga horreeyay la qarxiyay oo dad badan oo ehelkayga ah iskumeel lagu laayay, Axad bay markaas aheydee Jimcadii ku xigtay waxaan dhagaystay masaajidkii igu xigay, masaajidku wadaadku wuxuu ka hadlayay [Tarbiyatul awlaad], khudbadanna waxaa loogu talagalay usbuucaas wixii soo dhaca in lagu sheego oo lagu saxo umadda.”

Waxa uu gudoomiyaha dhalliil u jeediyay culimada isagoo ka hadlay sida loogu baahan yahay in culimada ay dadka u bidhaamiyaan diinta: “Culimadu waxa ay rabaan inay noolaadaan, masaajidda ay ku tukadaan, meeshii la qaloocsho ee diintana ayna sheegin.”

“Haddaan marka wadaadada iyo bulshada iyo dadku aysan bannaanka isu taagin Shabaab waa cadaw aanan la oran oo guryaha lagu qarsado oo la aamuso qofwalba waa dilayaan.

Tog-dheer: Xisbiyada Qaranka iyo Komishanka oo Kormeeray Goobo Qaadashada Kaadhka Codbixintu Ka socoto

0

Burco (Hubaal) Masuuliyiinta saddexda xisbi Qaran ee Somaliland, iyo xubno ka tirsan guddida doorashooyinka Qaranka ayaa kormeer ku sameeyay goobaha ay ka socoto is-diiwaangelinta cod-bixiyayaasha ee gudaha magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer oo ay shalay si rasmi ah u bilaabantay.

Komishaneer Kaltuun Sheekh Xasan ayaa sheegaytay cida ka faa’ideysanaysa fursada diwaangelinta codbixiyayaasha ee ka bilaabantay gobolka Togdheer iyo degaanada hoos yimaada. “Afarta maalmood maanta ayay inooga bilaabantay, oo 27-ka bisha ah, ila sodonka bisha haddii ILLAAHEY yidhaaho, waxaana loogu talo galay in la diwaangeliyo qofka aan markii hore qaangaadhin, qofka inta uu ku celiyay kaadhkii hore ka gubtay, iyo qof qaangaadhay balse aanay u suuragelin, ama dalka haka maqnaado ama ha jooge, saddexda qof ayaa loogu talo galay in ay afarta maalmood is diwaangeliyaan”

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo ay wehelinayaan hoggaamiyaha xisbiga Mudane Xirsi Cali X Xasan iyo mas’uuliyiin kale ayaa kormeeray goobaha ay ka bilaabantay diwaangelinta kaadhka codbixiyeyaasha ee magaalada Burco.

Guddoomiyaha iyo wefdigiisa oo ay ka mid yihiin Xoghayayaasha xisbiga, madaxda heer gobol iyo heer degmo ee Gobolka Togdheer ayaa bulshada ku baraarujiyey ahmiyadda ay leedahay diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo saaka ka bilaabantay Gobolka Togdheer iyo Degmada Ceelafweyn.

Guddoomiye Cirro isaga oo arrinta diwaangelinta ka hadlaya waxaa uu yidhi “Dadka hawsha wada waa dad waayo arag ah oo gobollo hore ka soo shaqeeyay, waxaa aanu ku guubaabinaynaa uun, lixda degmo doorashaba in dadku kaadhadhka qaataan, is diwaangeliyaan, dadka loo ogol yahayna waata la idiin sheegay, waa dadkii qaangaadhay, doorashadii hore kadib”

“Waxaan doonayna haddii ILLAAHEY yidhaaho, reer Burcoy aad u soo dareertaan, waxaana balan inoo ah doorasho ayaynu galeyna is muujiya, dorashadaasi kheyr ayay innoogu dhammaneysaa”Ayuu yidhi guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Faysal Cali Waraabe.

Saraakiishan oo ay hormuud u yihiin guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE, ahna wasiirka arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere), guddoonka xisbiga ee gobolka Togdheer, hoggaanka garabka haweenka iyo saraakiil kale, ayaa soo kormeeray goobaha ay ka furantay is-diiwaangelinta cod-bixiyayaashu, waxana ay indhahooda ku soo arkeen qaybaha kala duwan ee shacabka magaalada Burco oo safaf ugu jira sidii ay isu diiwaangelin lahaayeen.

Xubnahan katirsan xisbiga KULMIYE iyo xukuumadda, ayaa shacabka ugu baaqay inay ka qayb-qaataan is-diiwaangelinta, islamarkaana ka faa’iidaystaan waqtiga kooban ee ay fursaddani gobolka ka furan tahay, si ay uga qayb galaan codeeyaasha mustaqbalka soo socda go’aamin doona cidda ku meteli doonta goleyaasha kala duwan ee qaranka.

guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere),  isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi. “Waxaa weeyaan diwaangelintii, aynu qaadaneynay, sidu qofku u codaynlahaa, in uu is diwaangeliyo qaata kaadhka codeynta, waanu ka simanahay, gacmaha ayaanu isku haysana”

Fadhigii Shalay ee Golaha Guurtida Oo Kooram La’aan U Baaqday

0

Hargeysa (Hubaal) Fadhigii shalay ee golaha guurtidda Somaliland, ayaa baaqday kadib markii aanay soo xaadirin xildhibaano buuxin kara koramka golahaasi. Golaha guurtidda Somaliland, oo ka kooban 82 xildhibaan, ayaa inta badan fadhiyada golahaasi waxaa uu sharcigu dhigaya 42-mudane, ahna tirada koramka, islamarkaana haddii tiradaasi la waayo aanay suurogal ahayn in fadhigaasi furmo.

Caadi ahaan koramka la doonayo in uu ku buuxsamo fadhiga maalinlaha ah ee golaha guurtiddu ayaa ah 42 muddane.

Xughayaha guud ee golaha guurtidda Somaliland, garyaqaan Cabdinaasir Aadan Beegsi ayaa mid mid u xaadiriyay magacyada 82-ka mudane ee golahaasi ka kooban yahay.

Guddoomiye  ku xigeenka kobaad ee golaha guurtidda mudane Siciid Jaamac Cali,oo shir-guddoominayay fadhigii saaka ee golahaasi ayaa sheegay in koramku aanu buuxsamin, islamarkaana muddanayaasha aan koram soo xadirin  ay isugu jiraan kuwo xannuunsanaya iyo kuwa diwaangelinta codbixinta ku maqan iyo kuwa bila cudur daar ku maqan.

Sidoo kale Siciid Jaamac waxaa uu xildhibaanada cudur-daar la’aanta ku maqan ugu baaqay in ay soo xadiraan.

Guddoomiye  ku xigeenka kobaad ee golaha guurtidda mudane Siciid Jaamac Cali isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi. “Maanta waxaad mooda in koramkii innaga dhiman yahay, dhaxan badanina waa jirta, muddaneyaal badanina waxaa ay ku maqan yihiin arrinta diwaangelinta, oo qoladii reer Burco intoodii badnayd xaggaasi ayay ku maqan tahay.

Xildhibaano badana waxaa la sheegaya in ay xannuunsanayaan oo ay golaha ku soo wargeliyeen, kuwa horena waa jiifeen.

Yeelkeede lanbarku waa uu inoo buuxsami lahaa haddii inta kale ee joogta ay soo dadaasho, xildhibaanada halkan laga yeedhin doonana waxaa aanu ku wargelinayna in ay halkan ka soo xaadiraan, wakhtiyada shaqada, kuwa xannuunsanayana in ILLAAHEY caafiyo.

Maanta mar haddii uu inoo gaadhi waayay koramkii xildhibaanadu in badan fadhiyeen  waa mahadsan yihiin xildhibaanada isa soo xilqaamay ee ka soo xaadiray golaha, si ay waajibaadkooda u gutaan, fadhiguna waa inoo xidhan yahay mar haddii koramku inoo qabsoomi waayay”

Maxkamadda Sare Oo Hab Sulux Ah Ku Dhameysay Dacwad Dhul Ah Oo Muddo Labaatan Sannadooda Maxkamadda Ku Jirtay

0

Hargeysa (Hubaal) Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida caddaaladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa shalay sulux ku dhameeyay dacwad dhul ah oo muddo dheer maxkamadda ku jirtay. Sida lagu xafiiska guddoomiyaha maxkamadda sare ku sheegay qoraal uu kasoo saaray Dhulka ay dacwadu ka socotay, ayaa isla shalay xayiraadii Maxkamadda Sare ee dalku ka qaaday, dhulkaasi oo ku yaala ag-agaarka garoonka Shulaac ayaa xayirnaa muddo labaatan sanno ah.

Dhinacyada dhulka isku hayay ayaa kala ah Aar Yuusuf Cilmi oo uu wakiil u ahaa Maxamed Yuusuf Cilmi iyo Imo Axmed Cabdilaahi oo uu wakiil u ahaa Cabdinaasir Axmed Cabdilaahi, waxaanay shalay dhinacyadu heshiis rasmi ah ka gaadheen dacwadoodii, kadib markii maxkamadda Sare u saartay guddi ka kooban 7 xubnood kuwaasi oo soo dhiraan-dhiriyey isku soo dhawaanshaha labada dhinac, waxaanay kala yihiin xubnihii guddidu

  1. Sheekh Cali Xaaji Muuse (Cali Masaajid)
  2. Cabdiraxmaan Nuur Cigaal
  3. Xasan Aadan Cilmi
  4. Saxardiid Muxumed Shuuriye
  5. Cabdiraxmaan Jaamac Axmad
  6. Cabdikariim Muxumed Ismaaciil
  7. Ismaaciil Daahir Faarax

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali Axmed ayaa xusay in burburkii dalka ka dib, dhulku noqday shayga ugu dhibta badan ee is-qab-qabsigiisu badan yayay, waxaanu guddoomiyuhu ku sababeeyay in burburkaasi sababay in sharciyadii dhulkuna raacaan, geesta kale waxa uu guddoomiyuhu tibaaxay in dhulku noqday bangiga la maal-gashado taasina ay keentay in dacwadihiisu bataan. Guddoomiyaha ayaa sheegay in si dhibaatadaa looga baxo ay la yimaadeen qorshe ah dhex-dhexaadin (Sulux) si loo bad-baadiyo hantida iyo kharashka kaga baxaya mudadaa dheer ee dacwadu socoto, waxaanu guddoomiyuhu tagay goobti la isku haystay si bulshada kale loogu dhiiri-galiyo in ay suluxa iyo dhex-dhexaadinta u qaataan.

Ugu danbayn waxa uu guddoomiyuhu u mahad-naqay guddidii dhex-dhexaadinta gashay iyo dhinacyada is hayay ee isku tanaasulay.

Dhankooda waxa madasha ka hadlay dhinacyadii dacwadu ka dhaxaysay iyo guddidii hawshaasi gashay oo xusay in dhibaato wayn dacwadani ku haysay balse ay aad ugu faraxsan yihiin in maanta wanaag ugu soo dhamaatay waxaanay u mahad celiyeen guddoomiyaha doorkii uu ka qaatay soo af-jarida dacwada.

Wa bilaahi tawfiiq.

Ibraahim Maxamed Cali

Madaxa waaxda warbaahinta Maxkamadda JSL

Nuxurka war-murtiyeed laga soo Saaray Kulan Muuse Biixi Iyo Uhuru Kenyatta Ku Dhexmaray Madaxtooyada Kenya

0

Kulankan Waxa La Isla Meel Dhigay In Labada Wafti Ay Iskugu Yimaadaan Kulan Labaad Maanta Oo Salaasa Ah

Nairobi-(Hubaal) war qoraala oo kasoo baxay xarunta madaxtooyada somaliland, ayaa lagaga hadlay kulanka labada hoggaamiye ku dhexmaray caasimada Nairobi ee dalka Kenya. Biixi iyo wefiga uu hogaaminayo oo dorraad axaddii gaadhay magaalada Nairobi ayaa sidoo kale sida qoraalka lagu sheegay inta ay Kenya ku sugan yihiin waxaa ay kulamo la qaadan doonaan masuuliyiin kale oo dowladda Kenya ka tirsan. Qoraalkan oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay wargeysa Hubaal ayaa u dhignaa sidan;

“Kulan laba geesood ah ayaa dhex maray weftigii madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu hoggaaminayey iyo madaxweynaha Dalka Kenya, Uhuru kenyatta. Madaxweynaha dalka Kenya mudane Uhuru kenyatta ayaa maanta (shalay) aqalka madaxtooyada ee magaalada Nairobi ku marti-qaaday weftigii ka socday Jamhuuriyadda Somaliland ee uu hoggaaminayey madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo maalintii labaad ku sugan dalka Kenya. Kulankaas oo ahaa mid laba geesood ah oo u dhaxeeyey Madaxweynaha Kenya iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ay weheliyaan weftigiisii booqashada ku joogay dalka Kenya, labada madaxweyne waxay kaga wada hadleen qodobo dhawr ah oo u badan danaha labada dal ee Kenya iyo Somaliland sidii loo xoojin lahaa.

Waxaana la isla meel dhigay in labada wafti ay iskugu yimaadaan kulan labaad maalinta berri (maanta) oo Salaasa ah taariikhduna tahay 15-ka Diseembar 2020, si loo dhammaystiro qodobada labada Madaxweyne ka wada hadleen maanta (shalay).”

Xaflad lagu Shaacinayay Musharaxiinta Bahweynta Bureeqa ee Wakiillada iyo Degaanka oo lagu Qabtay Hargeysa

0

Maxamuud Cabdi Cilmi Iyo Nuur Muhindis Guud-Cade, Ayaa Khamiistii Dorraad Si Rasmiya Ugu Dhawaaqay In Ay Yihiin Murashixiin U Tagaan Ka Mid Noqoshada Xildhibaanada Golaha Degaanka Iyo Wakiiladda Ee Soo Socda

Hargeysa (Hubaal) Maxamuud Cabdi Cilmi iyo Nuur Muhindis Guud-cade, ayaa khamiistii dorraad si rasmiya ugu dhawaaqay in ay yihiin murashixiin u tagaan ka mid noqoshada xildhibaanada golaha degaanka iyo wakiiladda ee soo socda. Labadan murashax ayaa daboolka ka qaaday qodobo mihiima oo ay ku mateli doonaan bulshada dooratay. Masuuliyiintii kala duwana ee ka soo qayb galay madashii shaacinta labadani murashax ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan. Haddaba munaasibadii shaacinta Bahweynta Bureeqa ay u qabatay labada musharax ee ku mateli doona golaha wakiillada iyo degaanka ayaa lagu qabtay Hutel Guleed ee magaalada Hargeysa, waxaana munaasibadan ka soo qayb galay masuuliyiin ka tirsan xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE, xubno ka mida mujaahidiintii waddanka u soo halgantay, siyaasiyiin, sulaadiin, madax dhaqameed iyo marti sharaf kale.

Suldaan Ibraahim Suldaan Sulub ayaa ka hadlay mudada ay ku qaadatay soo xulista labadan xildhibaan. “Waxaa aanu halkan ka shaacinaynaa labada musharax, ee Eng. Maxamuud Cabdi Cilmi iyo Mujaahid Nuur Muhindis Guudcade, dhammaantiin intiina ka soo qayb gashay waad mahadsan tihiin, waxaa aanu muddo bilo ah oo aanu isugu tagnay dhallinyariyo waayeelba soo xulista labadaa nine e maanta goobtaasi fadhiya.

Yar iyo weynba dadka intii aan qaadan kaadhka diwaangelinta waa in ay qaataan, si ay ugu coddeeyaan labadaasi nin ee aanu soo bandhignay, Soomaalidu waxaa ay tidhaaha ‘Sumal Baraar kuma jir’, waar annagu labadaasi nin ayaanu soo xule ha nalaga guddoomo”

Xildhibaan Cismaan Waxar kana mida mudanayaasha golaha deegaanka degmadda Hargeysa ayaa sheegay in uu ku soo dhaweynayo kursiga golaha degaanka ee uu ka sii tagayo.  “Waan soo dhaweynaya xildhibaanka cusub ee u taagan doorashada golaha degaanka degmada Hargeysa”

Murashaxa golaha degaanka degmadda Hargeysa Maxamuud Cabdi Cilmi, ayaa sheegay in ay ka go’an tahay bilic soo ceinta caasimada Hargeysa. “Waxaa aanu jecelahay oo aanu doonaynaa haddii magaalada Hargeysi noqotay caasimadii Somaliland, in ay la tartantop caasimadaha dalalka Jaarka ama la tartan, waxaan balan qaadaya in caasimada Hargeysi ay noqoto mid qurux badan oo bilicdeedu wanaagsan tahay, bulshada reer Hargeysa waxaan ka codsanaya in ay soo xulaan xildhibaano qayb mihiima ka qaadan kara bilic soo celinta caasimada”

Sidoo kale murashax Nuur Muhindis Guud-cade una taagan  doorashada golaha wakiiladda Somaliland, ayaa bulshadii ka soo qayb gashay munaasibadii shaacintooda in sida ay wakhtiga ugu soo hureen maalinta doorashadana ay ugu huraan uguna samraan mudada ay codeyntu socoto. “Waxaa aan guntiga dhiisha isaga dhigayaa Dastuurka dalka oo ah laf dhabartii Waddanka sidii aan u dhammeystiri laheyn, oo aanu uga dhigi laheyn dastuur waddan lagu haggo oo aan qabyo aheyn in aanu ka dhigno, xilka haddii aan ku guuleysto in si xilkasnimo ah oo daacad ah, in aan ugudan doono waajibaadka uu leeyahay golaha wakiilladdu, sida ay maanta wakhtigooda noogu soo hureen in ay ku samraan safafka maalinta codbixinta, islamarkaana ay codkooda noogu hiiliyaan.

Waxaan ka mid ahaa raggi dalkan iyo dadkan naftooda u soo huray, in idinkuna aad codkiina noogu hurtaan oo aad noogu ridaan”

“Xisbiga KULMIYE sharaf weyn ayay u tahay in munaasibadii u horeysay ee xisbigu ku qabto magaalada Hargeysa ay nasiib u yeeshaan mujaahid Nuur, iyo Maxamuud Cabdi Cilmi, waxaanay idinka idiin tahay in xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE idiin hiiliyay, in munaasibadii ugu horeysay si wada jira loogu qabto labadaasi murashax”Ayuu yidhi afhayeenka xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE,  Cabdinaasir Maxamed Buuni.