Guriga Blog Page 3

Maxay Ka Wada Hadleen Madaxweynaha Somaliland Iyo Safiirka Dalka Jamhuuriyadda Czech U jooga Ethiopia

0

Madaxweyne Biixi oo Qaabilay Amb Pavel Mikes iyo wefti uu hoggaaminayo oo shalay dalka soo gaadhay

Hargeysa(Hubaal)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dalka Czech Republic u fadhiya Addis-ababa, Ambassador  Pavel Mikes oo safar ku jooga caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Kulanka ka dhacay qasriga Madaxtooyadda Somaliland oo ahaa mid albaabada loo xidhay oo aanay saxaafadu goob joog ka ahayn, waxa markii uu dhammaaday qoraal saxaafadeed kooban kasoo saartay Madaxtooyadda Somaliland. Nuqul ka mid ah qoraal saxaafadeedka oo soo gaadhay Wargeyska Hubaal, waxa lagu sheegay in lagaga wada hadlay iskaashiga xidhiidh rasmi ah oo dhexmara dalalka Somaliland iyo Czech iyo sidii ay labada dhinac uga wada shaqayn lahaayeen horrumarinta waxbarashadda, gaar ahaan farsamada gacanta, arrimaha ganacsiga iyo isu-socodka labada shacbi.

Sidoo kale, waxa uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi uu warbixin mugleh ka siiyey weftiga, horrumarka iyo wax wada-qabsiga dawladnimada Somaliland ay halkan ku soo gaadhay, inay tahay isfahanka iyo wada shaqaynta dawladda iyo shacbigeeda oo heegan buuxa u ah inay ka mid noqdaan beesha caalamka, kana helaan wixii ay xuquuq ku leeyihiin, iyagoo buuxiyey shuruudihii dawladnimo ee looga baahnaa oo dhan. Sida lagu yidhi qoraalka kooban ee kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland.

Qoraal saxaafadeeedka ayaa lagu xusay in gebagebadii kulankaasi ku dhammaaday is af-garad buuxa, iyadoo madaxweynuhu uga mahadceliyey safiirka safarka shaqo ee uu ku yimi Dalka Jamhuuriyadda Somaliland, balse qoraalka faahfaahin dheeraad ah oo la xidhidiha booqashada xilligan ee Safiirka Dalka Czech Republic u fadhiya dalka Ethiopia laguma bixin.

Socdaalka Safiirka ee Hargeysa, ayaa kusoo beegmay xilli xaaladda dalka Ethiopia ay kusii socoto qalalaase oo uu ka jiro dagaal u dhexeeya ciidamadda dalka Ethiopia ee dawladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedka Tigray, isla markaana xaaladda dagaalka ee ka taagan dalka Ethiopia laga cabsi qabo inuu saamayn ku yeesho amaanka iyo nabadgelyada mandaqada oo awalba liitay.

Ciidanka Booliska oo Qabtay Gacan-ku-dhiigle Gabadh Ku Dilay Hargeysa

0

Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaliland Oo ka hadlay goorta falkani dhacay, halka uu ka dhacay, magaca ninka dilka geystay iyo marxuumada

Hargaysa (Hubaal) Afhayeenka ciidanka Booliska Somaliland Gaashaanle sare Faysal Xiis Cilmi ayaa sheegay in ciidanka Booliska uu gacanta ku dhigay Gacan ku dhiigle Nuux Axmed Ismaaciil oo loo haysto in uu dilay Marxuumad Nasteexo Ismaaciil Aadan.

Afhayeenka Booliska ayaa sheegay in taariikhdu markay ahayd 24.11.2020 xili 11:00 habeenimo ah uu gacan ku dhiiglaha falkan loo hayaa tagay guriga uu leeyahay Mustafe Xasan Gaafaadhi isagoo halkaasi ku dilay marxuumadda kadibna u baxsaday guri kale. Baadhitaan iyo hawlgal ciidanku sameeyay kadibna gurigaa laga soo qabtay.

Sida Afhayeenku sheegay Nuux Axmed Ismaaciil oo loo yaqaano  Nuux Caddaani waxa uu marxuumadda ku dilay Hinaase isagoo Faash Tunka kala dhacay.

Afhayeenka Booliska Gaashaanle Sare Faysal Xiis ayaa intaa raaciyay inuu eedaysanuhu Qiraal maxkamadeed ku sheegay inuu falkaas dilka ah gaystay isagoo Miyirkiisa iyo Maankiisaba qaba.

“Dawladdnimadu Waa Sidii Qof Oo Kale, Waxanan Aaminsanahay In Muuse Biixi Yahay Madaxweyne Waayo Arag Ah Oo Wax Kusoo Bartay WARSAW Iyo NASA”

0

WAREYSI: Wasiirkii Hore Maaliyadda, Imikana Ah Xubin Ka Tirsan Guddida Tacliinta Sare, Mr. Yuusuf Cabdi Maxamed

Hargeysa (Hubaal) Wasiirkii hore ee wasaaradda horumarinta maaliyadda Somaliland, Mud. Yuusuf Cabdi Maxamed, ayaa wareysi dheer oo uu bixiyey kaga hadlay dawladnimada iyo hoggaaminta. Yuusuf oo hadda ah xubin ka mid ah guddida tacliinta sare ee Somaliland, ayaa wareysi uu siiyey  telefiishenka Sahan, waxa uu kaga waramay waxyaabaha u qabsoomay xukuumadda madaxweyne Biixi 3 sanno oo ay joogtay, sidoo kale aragtida uu ka aamin san yahay hoggaaminta Muuse Biixi halka halka ay gaadhsiisan tahay, waxa uu si gaara u xusay muddadii uu ahaa wasiirka maaliyada, waxanu sheegay in mashaariicdii ugu badnaa la fuliyey markii uu xilkaasi wasiirnimo hayay.

“Saddexda sanno waxaan isleeyahay wax aad u badan baa qabsoomay, ayna ugu muhiimsan tahaya nabad dhalin iyo keened xasilooni. Xukuumaddani barnaamijkii iyo qaabkii dawlidnimada maalinba maalinta ka dambaysa dawladnimadu way dhismaysay, xiliba xili oo waa qori isku dhiib, markaa maanta waxaynu maranaa xiligii dawladnimada la dhisi lahaa, dawladdu waxay hirgelisay shuruuc badan iyo xeerar badan iyo qorsheyaal badan oo hay’addaha kala duwan ee dawladdu ay leedahay, waxay xoojisay barnaamijka maamul-wanaaga in la xoojiyo, in lala dagaalamo musuqmaasuqa. Muddadii aan wasiirka maaliyadda ahaa 2018, waa markii koowaad ee aan samayno miisaaniyad horumarineed oo ahayd 34.5% oon isleeyahay MSH-yadii ugu badnaa, iskuuladii ugu badnaa ayaanu dhisnay, sidoo kale waxaanu mushaharka u kordhinay waagaas ciidamada iyo macallimiinta oo ahaa labadii daryeelka u baahnaa, sidoo kale waxaanu xoog ugu hawlgalnay in aanu dejino qiimaha shillinka Somaliland iyo qiimaha sarifka doollarka oo lacagta Somaliland qiimo u yeelno, taasna waanu ku guulaysanay, wayna sii socotay oo maanta meel fiican bay maraysaa.

Muxuu ku sifeeyay hoggaaminta Muuse Biixi?

Yuusuf Cabdi Maxamed ayaa sharaxaad ka bixiyey hoggaaminta madaxweyne Muuse Miixi, maruu ka jawaabayay su’aal ahayd, hoggaaminta Muuse Biixi, waxaanu yidhi “Muddadaa aan ahaa wasiirka maaliyadda, waxaan ka bartay casharo badan, horta dawladnimadu waxay u baahan tahay dulqaad, waxay u baahan tahay samir, waxay u baahan tahay hawlkarnimo iyo daacadnimo, waxay u baahan tahay adkaysi, waliba hoggaamiyaha aad la shaqaynaysaa marka uu yahay hoggaamiye soo jeeda, waayo madaxweyna Somaliland (Muuse Biixi) waxaan isleeyahay wuxuu shaqeeyaa maalintii iyo habeenkii marka la isku daro 18 saacadood, adigoo da’ yar markaad aragto madaxweynihii oo kaa weyn oo sideed iyo tobban saacadood shaqeynaya waxa ku galaysa hididiilo iyo awood ah inaad jiif iyo joogba aad diido si aad shaqada u dhamayso. Madaxweynahan maanta (Muuse Biixi) waxaan ku sifeyn lahaa madaxweyne Jecel in dadka iyo dalku barwaaqo wada gaadhaan, in wadanku horumaro aqoonsina uu helo, in xuduudaha Somaliland la sugo oo la gaadho, in ummadu u sinaato dawlidnimada iyo caddaaladda, madaxweyne hal adag oo jecel sharcigu in uu hirgalo, madaxweyne jecel inay dawlidnimadu hanaqaado, dadka la shaqeynayana jecel qof waliba in hawshiisa u madaxbanaanaado, balse la xisaabtamo qofkasta maxaa kuu qabsoomay wixii kuu qorshaysnaa 5-ta sanno aad samaysay, isagoo (Madaxeyna) ay ka go’an tahay in dawladnimadu ay dhisanto, waayo dawladnimadu waxay ka dhisantaa in wasaarad waliba ay dhisanto. Isagoo (Madaxweynaha) jecel in marwalba arrimaha wadahadal lagu dhameeyo. Waxaan aaminsanaya inuu yahay madaxweyne waayo arag ah oo wax kusoo bartay waarso iyo nasso, ciidanimo soo maray, sidoo kalena kasoo qaybqaatay halgankii dalka lagu xoreeyay, nabaddii iyo guurtidii samayntooda, miyo iyo magaalaba waayo arag u ah oo runtii anigu aan aaminsanahay, qof walba cidbaa siyaasadda macallin ugu ah, inuu yahay macallinkaygii siyaasadda.”

Afar Arrimood Oo La Xidhiidha Khilaafka Cusub Ee Kenya Iyo Soomaaliya

0

Muqdisho (Hubaal) Bayaan habeen hore ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa safiirka u fadhiya Kenya lagu amray inuu Muqdisho ka soo noqdo halka midkii Kenyana lagu wargeliyay inuu Nairobi aado. Wasaaradda waxa ay sheegtay in tallaabadan ay timid kaddib “faro-gelin qaawan oo Kenya ay ku hayso arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan maamul gobleedka Jubbaland.”

Maxaa khilaafkan cusub keenay?

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Maxamed Cali Nuur, oo bayaanka ka akhrinayay warbaahinta dowladda ayaa go’aankooda ku sababeey faragelin uu sheegay in ay kaga imanaysay Kenya. “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa u muuqatay in dowladda Kenya ay si bareer ah u faragelinayso umuuraha gudaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, iyadoo cadaadis ku haysa, madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, si uu u fuliyo qorshaheeda ku aaddan faragelinta iyo carqaladaynta heshiiskii siyaasadeed ee doorashooyinka ee madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ku gaareen Muqdisho 17-kii Sibteembar 2020,” ayuu yidhi.

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Kenya, Macharia Kamau, oo arrintaas ka hadlayay wuxuu wargeyska Nation ee ka soo baxa magaalada Nairobi u sheegay in xukuumadda Kenya ay ka xuntahay go’aanka Soomaaliya ay ugu yeeratay safiirkeeda, waxa uuna ballan qaaday in labada dal ay arrintan si diblomaasiyad ku saleysan uga wada xaajoon doonaan. Wuxuu tilmaamay inay jawaab rasmi ah ka soo saari doonaan warka Soomaaliya ay soo saartay “iyagoo maraya wadiiqooyinka ku haboon.”

Dhankiisa-se xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Maxamed Cali Nuur, ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya aysan “marnaba aqbali doonin fal waliba oo qaranimadeeda iyo amnigeeda dhaawacaya.”

“Dhaqamada Kenya waa kuwo ka baxsan curfiga diblumaasiyadeed ee dalal ay ka dhaxayso dano iyo darisnimo, waana dhaqan ka baxsan dhammaan axdiyada iyo heshiisyada diblumaasiyadeed ee caalamiga ah. “Sidaas daraadeed dowladda Soomaaliya marnaba ma aqbali doonto in la soo farageliyo ama lagu dhaqaaqo falkasta oo wax u dhimaya madaxbannaanida iyo deganaanshiyaha dalkeenna,” ayuu yidhi.

Safiirrada dib loogu yeertay maxay ka dhigan yihiin?

Qaar ka mid ah dadka falanqeeya siyaasadda ayaa ku doodaya in safiirrada dib ugu laabanaya caasimadaha labada dal ay astaan u tahay in labada dhinac ay qaab kale isku afgaran waayeen. Prof Cabdi Ismaaciil Samatar oo BBC Somali la hadlayay ayaa sheegay: “Labada dowladood oo daris ah oo safiirrada isu soo celiya waxa ay tilmaamaysaa xidhiidhka diblumaasiyadeed oo meel adag galay, oo si kale la isku afgaran waayay, marka waxaan isleeyahay wax wayn ayaa la isku hayaa.”

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Kenya ay madaxweynaha Jubaland ku “cadaadinayso inuu fuliyo ajandaheeda siyaasadeed” taas oo ay ku sheegtay “carqaladaynta” heshiiskii siyaasadeed ee Muqdisho kal hore lagu gaaray ee doorashada Soomaaliya. Prof Cabdi Ismaaciil Samatar oo aan eedahaas uga hadlay sida ay latahay ayaa sheegay: “Eedaymahaas la sheegayaa Kenya oo qura kuma saabsanee wadammo fara badan ayaa Soomaaliya soo faragelinaya, waxay u soo faragelinayaan in ay ka shaqeystaan si ay uga soo baxdo meeshaasi cidda ay iyagu rabaan.”

Wuxuu sheegay in hal qaab oo ay Soomaalida uga faraxalan karaan faragelinta wuxuu yidhi: “Sida keli ah ee Soomaali ay isaga celin kartaa faragelintaas shisheeye ee doorashadeeda ama dalkeeda ku saabsan waxa weeye in la kasbado dadkaaga haddaad tahay dowladda Soomaalida.”

Saameynta arrintan ka dhalan karta maxay tahay?

Labadan dal ee dariska ah waxay wadaagaan dano muhiim ah iyadoo Kenya ay ku nool yihiin muwaadiniin badan oo Somaali ah kuwaas oo ka gaacsada amaba ku nool gudaha Kenya gaar ahaan magaalada Nairobi. Waxaa kaloo jira qaxooti boqollaal kun oo Soomaali ah oo ku nool xeryaha Dhaadhaab iyo Kakuma kuwaas oo ay dowladda Kenya gacan u fidisay ka dib dagaalkii sokeeye ee ka qarxay Soomaaliya sannadkii 1991.

Haddaba tallaabadan ugu dambaysay maxay horseedi kartaa?

Waxaynu su’aashaas waydiinnay Prof Cabdi Ismaaciil Samatar oo ku dooday in “wax badan ay arrintaas kharibi karto”.

“Laba waddan ma ahan kuwa kala maarmi kara, oo jaarku ma kala maarmo ama isjeclaada ama isnecbaada Ilaahay baa iskiin baday, lamana kala kuuri karayo,” ayuu u sheegay BBC News Somali

Goormuu khilaafkan soo xoogaystay?

Xidhiidhka labada dal ayaa heerkii ugu xumaa gaaray sannadkii la soo dhaafay, kaddib markii uu soo cusboonaaday muranka la xidhiidha lahaanshaha qeybo ka mid ah xadka dhinaca badda, halkaas oo la sheegay inuu ku jiro kheyraad dabiici ah oo qiimo badan leh. Muranka dhanka badda ee u dhaxeeya dalalka Kenya iyo Soomaaliya ayaa in muddo ah soo jiitamayay, waxaana sannadkii 2015-kii ay dowladda Soomaaliya u gudbisay Maxkamadda Cadaaladda ee Adduunka ee ICJ, dacwad ka dhan ah Kenya. Dacwadaasi ayaa weli hortaalla ICJ, waxaana garsoorayaasha ay oggolaadeen in maxkamaddu ay dhageysan karto dacwadda la xidhiidhta arrintan, in kastoo Kenya ay marwalba dooneysay in arrintan lagu dhameeyo qaab is-fahan ah oo bannaanka ka ah maxkamadda. Dhanka kale Dowladda Soomaaliya ayaa horraaantii sannadkan hakisay duullimaadyada rakaabka iyo jaadka Kenya taas oo qeyb ka ahayd tallaabooyinka lagu xakameynayay fafitaanka fayraska Korona. Balse dowladda Soomaaliya dib ayey u furtay duullimaadyada, haddana jaadka weli waxaan saaran xiyaraad. Kenya waxay maalin walba Soomaaliya u dhoofin jirtay jaad loo iib geeyo magaalooyinka kala duwan ee dalka. Sida uu sheegay wargeyska The Foreign Policy, 15 diyaaradood oo jaad wadda ayaa maalin walba ka degi jirtay magaalooyin badan oo Soomaaliya ah, waxaana ganacasatada Kenya sannadkiiba la sheegay in ay ka soo galeysay lacag gaareysa $144 milyan oo doollar. Dhanka kale goor sii horraysay ayuu xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya, Macharia Kamau, sheegay in ay jirto arrin in muddo ahba miiska saarneyd oo ah in dal ku-galka loo fududeeyo dadka ka imanaya Soomaaliya.

Arrintan ayaa soo baxday kaddib markii wafdi uu hogaaminayay xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Kenya uu dhawaan tagay magaalada Muqdisho, halkaas oo madaxda dhiggooda ah ay kala xaajoodeen arrimo ay ka mid yihiin “xoojinta ganacsiga iyo sidii looga faa’ideysan lahaa fursadaha ganacsi ee labada dal.”

Xigasho: BBC

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Oo Agab Caafimaad Oo Gaadhaya $ 550, 000 Kala Wareegtay Shirkadda DP World

0

Hargaysa (Hubaal) Shirkadda Dp-World ayaa sheegtay in ay 15 haamaha Ogsajiinta ah oo loogu tala galay ladagaalanka Covid 19, ku wareejisay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Somaliland. Qalabkan ayaa shirkadu ku wareejisay Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland Axdii 22-Novenbar 2020, iyada oo qalabkani wax weyn ka tari doono baahida qaranku u qabo qalabka lagula dagaalamo cudurka Covid 19. Qalabkan ayaa lagu wareejiyay Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta Caafimaadka Maxamed Cabdi Xergeeye iyada oo ay goob joog ka ahaayeen Ali Hassan iyo Abdirahman Deria, oo kamida xubnaha boodhka dekeda Berbera iyo maareeyaha guud ee dekeda Berbera Siciid Xasan. Shirakadda Dp-World waxaa ay sheegtay in Somaliland ay ku caawisay sanadkan Qalabka Ogsijiinta, Daawooyin iyo qalabka difaaca shaqaalaha si loogula dagaalamo cudurka covid 19, shirkadda ayaa sheegtay in qalabkan ay ku bixisay aduun maaliyadeed oo gaadhaya $ 550, 000. Oo Dolar. Shirkadda Dp –World ayaa sheegtay in ay sii wadayso kor u qaadista dhaqaalaha iyo taageerida arimaha bulshada guud ahaan caalamka gaar ahaanna Somaliland.

“Reer Gabiley-oow, Murashaxiinta Qabyaalad Ha u Eegina Ee Quruxdiinnu Waxay Ku Jirtaa Markaad Iska Horreysiisaan ka Samaroon, Akishe Iyo ka Madigaanka Ah”

0

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Iyo Wefi Balaadhan Booqday Goobaha Diwaangelinta ee Gabiley iyo Arabsiyo

Gabiley (Hubaal) Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa kormeeray goobaha diwaangelintu ka Bilaabantay ee Magaalooyinka Gabiley iyo Arabsiyo ku yaala oo ilaa shalay si habsamiya bulshada deegaamada ku nool isaga diwaangelinayaan,  si ay  u qaataan Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka Somaliland ee horaanta sannadka 2021-ka Somaliland ka qabsoomi doonta.

“Reer Gabileyoow Murashaxiinta Qabyaalad haw eegina ee Quruxdiinu waxay Ku jirtaa Markaad Iska horaysiisaan Ka Samaroon, Akishe iyo Ka Madigaanka ah…”Ayuu yidhi Eng. Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiye  Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Wefti balaadhan oo Xisbiga UCID ka tirsan oo hawlo shaqo gobolka Gabiley Ku joogo’ ayaa, kormeeray Goobaha Sanaaduuqda Diwaangelinta Codbixiyayaasha ee Magaalooyinka Gabiley iyo Arabsiyo oo maalintii 2-aad ay Kuyuuga ku jiraan shacabka deegaanadaasi ee qaadanaaya Kaadhka Codbixinta doorashooyinka Somaliland iyada oo dhammaan goobaha diwaangelinta ee Weftiga UCID booqday uu Fariimo wacyigelino ah oo muhiimada inay shacabku si mug leh  isku diwaangeliyaan Shacabku una qaataan Kaadhka  Codbixinta doorashooyinka JSL.

Wasaaradda Caafimaadka oo Dhagax dhigtay Laba Cisbitaal oo Laga Hirgalinayo Bariga Iyo Waqooyiga Hargaysa

0

Hargaysa (Hubaal) Wasiirka wasaaradda horumarinta Caafimaadka JSl Cumar Cali C/laahi oo ay weheliyaan Agaasimaha guud ee wasaaradda Caafimaadka iyo Maayirka Caasimadda Hargeysa ayaa dhagax dhigay laba cisbitaal oo laga hirgelinaayo bariga iyo Waqooyiga magaaladda Hargeysa.

Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, oo ka hadlay dhagax dhiga goobahan caafimaad ayaa sheegay in culayska lagaga dhimaayo Cibitaalka guud ee Hargeysa oo wakhti dheer ka hor loo dhisay in uu u adeego shacabka Hargeysa oo xiligaas tiradoodu koobnayd isla markaana ay Cisbitaaladani wax weyn ka tarayaan baahiada caafimaad ee ka jirta Caasimadda Hargeysa iyo nawaaxigeeda.

Wasiirka wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Somaliuland Cumar Cali C/laahi, ayaa sheegay in ay fulinyaan qorshaha labaad ee qaranka iyo balanqaadkii Xisbiga Kulmiye isaga oo u mahadnaqay Madaxweynaha JSl Muuse Biixi Cabdi, ka qayb qaatay in la hirgeliyo labadan cisbitaal ee maanta la dhagax dhigay.

Wasiirka wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Somaliuland Cumar Cali C/laahi, ayaa sheegay in sanadkan wasaaradda horumarinta caafimaadka ee Somaliland ay dhagax dhigtay 19-mashruuc oo caafimaad kuwaas oo isgu jira Cibitaalo cusub, MCH, iyo Cibitaalo dib u habayn lagu samaynaayo, wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dhawaan wasaaradu bilaabi doonto laba cisbitaal oo kale oo laga hirgelin doono Galbeedka iyo Koonfurta Hargeysa.

“KDQ Maaha Xukuumaddii Aanu Kursiga Kala Eryanaynay, Ee Waa Guddigii Doorashooyinka Qaranka Oo Shaqadii Qaranka Ayuu Hayaa”

0

Xisbiga WADDANI Oo Raaligelin Ka Bixiyay Hadal Ka Soo Yeedhay Masuul Ka Tirsan Xisbigaas Oo Dhaliilay Shaqada Komishenka Doorashooyinka

Hargeysa (Hubaal) Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa raaligelin ka bixiyay hadal ka soo yeedhay masuul  ka tirsan xisbigooda, kaasi oo hore u dhaliilay gudidda doorashooyinka Qaranka. Siyaasi Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil Yare) ayaa guddida doorashooyinka ka raaligeliyay hadal ka soo yeedhay guddoomiyaha xisbiga WADDANI, ee gobolka Awdal kaas oo guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland ku dhalliilay muddada kooban ee la siiyay diwaangelinta codbixiyayaasha gobolka Awdal.

Sidoo kale siyaasi Ismaaciil Yare waxaa uu sheegay in guddida doorashooyinku aanay aheyn xukuumadda ay kursiga isku eryanayaan, balse guddidu doorashooyinku ay yihiin guddi Qaran. Siyaasi Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil Yare) “Guddida doorashooyinka Qaranka waxa aan ka raaligelinayaa haddalka ka soo yeedhay guddoomiyaha xisbiga WADDANI wakiillka uga ah gobolka Awdal ee dharaartii dhaweyd hadlay, qaladna way aheyd, khalad wuu dhici karaa waana la sixi karaa, xukuumaddii aanu kursiga kala eryanaynay maaha guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland, waa guddidii doorashooyinka Qaranka.

Xukuumadda waxaa laga yaaba in aanu warbaahinta u soo fadhiisano wax jira iyo waxaan jirinba eedeydu ka timaado, waana siyaasad noo taala, balse guddida doorashooyinku shaqadii Qaranka ayuu hayaa” ayuu yidhi Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil Yare)

Cirro Oo Dhaliilo U Jeediyay Dawladda Muuse Biixi, Shacabkana U diray Baaq

0

Hargeysa, (Hubaal) – Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa shacabka Somaliland ugu baaqay Inay Isdiiwaangaliyaan si ay uga qaybqaataan doorashada fooda inagu soo haysa.

Maalinta barito ah ayaa la filayaa inay todoba degmo oo ka tirsan Sommaliland inay ka bilaabanto diiwaangalinta codbixiyeyaasha doorashada Somaliland ee Golayaasha Deegaanka iyo Baarlamaanka.

Soomaalida Itoobiya Iyaga Xaaladdoodu Waa Ninkii Hooyaday Guursadaba Waa Adeerkay

0

W/Q Cabdiraxmaan Cadami

Itoobiya waxay ka kooban tahay 9 kilal iyo laba magaalo oo hoos yimaadda xafiiska ra’isal wasaaraha (Addis Ababa iyo Diridhaba). Dawlad degaanka Soomaalidu waa kilalka labaad ee ugu baaxadda weyn dhul ahaan tiro ahaanna waa qoomiyadda saddexaad, sidaas oo ay tahay haddana awood la sheegi karo kuma laha dawladda dhexe ee Federaalka, saamayna kuma laha siyaasadda iyo hoggaaminta dalka.

Xukunka waxa ku loollama saddex qoomiyadood oo kala ah Axmaarada, Oromada iyo Tigrayga waana sababta keentay dagaallada ka socda gobollo ka mid ah dalka.

Hadaba hirdanka hanashada awoodda dalka xaggee ayay Soomaalidu kaga jirta?

Aniga aragtidayda waa daawadeyaal waxayna sugaan hadba qoomiyadda dagaalka ku adkaata iyo gacan ku haynta awoodda dhexe. Waxaan xasuustaa bannaan baxyadii iyo rabshadihii 2016-2017 ee dhiigga badan ku daatay iyo iscasilaaddii ra’isal wasaarihii hore Hailemariam Desalegn si loo buuxiyo jagada ra’isal wasaaraha waxay qaadatay muddo laba bilood ah.

Muddadaa waxa socday wada xaajood iyo gorgortan ay ku wada jireen qoomiyadaha ku bahoobay xisbiga talada haystay ee EPRDF oo ay Soomaalidu ka maqan tahay. Cod kuma laha mana kala jecla ra’isal wasaaraha cusub ee la dooran doono markaa iyaga xaalkoodu waa ninkii hooyaday guursadaba waa adeerkay.

Sidaa daraadeed madaxda Dawlad Degaanka Soomaalidu Markasta waxay u diyaar yihiin fulinta ama dhaqan gelinta go’aannada iyo amarrada kaga imanaya Addis Ababa. Soomaalida Itoobiya dhulkooda, tirada dadkooda iyo khayraadkooda wax u dhigma maxay uga heli waayeen dawladda Federaalka Itoobiya? Miyaanay geyin ama gaadhi Karin derajooyinka ugu sareeya sida xafiiska ra’isal wasaaraha?

Akhriste waa dood furan iyo in su’aalahan loo helo jawaabo lagu qanci karo waxayse aniga ila tahay Soomaalidu in ay Power-ka marti ka sii ahaan doonto iyo xataa meesha lagu gorfaynayo arrimaha iyaga u gaarka ah sababahan awgood:-

Dhaqanka siyaasadda Itoobiya awoodda waxa lagu qaybsadaa Qoomiyado waana waddada siyaasiyiintu u marto in ay gaadhaan mansabyada sarsare, Soomaaliduna uma habaysna qaab qoomiyadeed ee waa qabaa’il, waxa qudha ee ka dhexeeya waa magaca iyo Afsoomaaliga ay ku wada hadlaan. Qabiillo yaryar oo kala socda miisaan siyaasadeed kuma yeelan karaan Itoobiya.

Sabab kalena waxay noqon kartaa Soomaalidu si dhab ah uma aamminsana in uu yahay muwaadin Itoobiyan ah oo la siman kuwa qoomiyadaha kale balse wuxuu u arkaa in ay dalka ka xigaan iyaga. Si kastaba ha ahaatee Soomaalidu si ay doorkooda uga qaataan jihaynta iyo jaangoynta arrimaha siyaasadda Itoobiya waxa lagama maarmaan ah in siyaasiyiinta iyo waxgaradka Dawlad Degaanku ka shaqeeyaan in ay u hawl galaan abaabulka iyo dhismaha qoomiyad Soomaali ah oo miisaankeeda yeelata oo laga koro xinka iyo xifaaltanka qabiilka.

 

Waxa qoray Cabdiraxmaan Cadami

Abdirahmanadami33@gmail.com