Qaar Ka Mid Ah Xubnaha Xukumada Kaga Jira Gobolka Hawd Oo Kulan La Yeeshay Dhalinyaro Ka Soo Jeeda Deegaanadaasi

0
136

Hargaysa(Hubaal):-Xubnaha xukumada kaga jira Beesha Cabdalle Abokor(Arab) ayaa habeen hore kulan la yeeshay dhalinyarada ka soo jeeda beelaha Cabdalle Abokor iyo Sheekh Cismaan. Kulankan oo ka qabsoomay guriga Agaasimaha Komishanka AIDS-ka waxa goob joog ka ahaa Wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska Khadar Xaaji Yuusuf Cabdilaahi, Wasiir-ku-xiggeenka Wasaarada Waxbarashada, Agaasimaha Komishanka AIDS-ka Naasir Ayjeex, Guddoomiye Ku Xiggeenka Haayada Shaqaalaha Cabdikariim Maxamed Xaaji Cali iyo xubno kale. Shirkan oo daba socoday kulamo hore waxa lagaga hadlay sidii Beelahan iyo dhalinyaradeeduba ay taageero aan kala hadh lahayn u siin lahayd musharaxa Madaxweyne ee xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi isla-markaana ay door muhiima uga qaadan lahaayeen Ololaha inagu soo foolka leh dhawaan. Dhalinyarada ayaa balan-qaaday in cududooda taageero ay ku garab istaagi doonaan Musharax Muuse Biixi Cabdi iyo Ku Xiggeenkiisa Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici , sidoo kale baaxada taageeradooda ay ku muujin doonaan Olalaha dhawaan bilaabmi doona. Masuuliyiinta xukumada kaga jira Beesha Cabdalle Abokor oo qaarkood halkaasi ka hadlay ayaa dhalinyarada uga Mahadceliyey ka soo qayb-galka kulankan , waxaana ay balan-qaadeen in ay u hawl-gali doonaan sidii beeshu uga heli lahayd xaqeeda Xisbiga Kulmiye iyo xukumadiisa cusub ee dhalan doonta.  Gabagabadii kulankaasi waxa lagu dhisay Guddi Farsamo oo sii wada hawsha laysla qaatay,iyadoo kulankaasi uu ku dhamaaday jawi is afgarad.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here