Qalalaasaha Itoobiya: Wax Ka Ogow Sagaalka Jabhadood Ee Isku Baheystay Inay Ridaan Dowladda Abiy

0
3

Sagaal kooxood oo dowladda Itoobiya ka dhan ah ayna ku jirto kooxda TPLF ayaa isku raacay inay sameystaan isbahaysi ka dhan ah maamulka Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed. Arrintan ayaa cadaadis hor leh saareysa Abiy, iyadoo mucaaradku ay ku sii siqayaan caasimadda.

Balse xukuumadda Addis Ababa ayaa sheegtay inay ka guuleysan doonto ayna sii wadi doonto dagaalka ay kula jirto kooxda mucaaradka ah ee Tigrey.

Labo ka mid ah kooxaha, waa Ciidamada Xoreynta Oromada (OLA) iyo Dhaqdhaqaaqa Dimuqraadiyadda Agaw (ADM), ayaa Wakaaladda Wararka ee Reuters u xaqiijiyay jiritaanka isbahaysigan cusub.

Isbahaysigan, oo lagu magacaabo United Front of Ethiopian Federalist and Confederalist Forces, waxaa sidoo kale ka mid ah TPLF, oo dowladda Abiy la dagaallameysa muddo sanad ah, dagaalkaas oo ay ku dhinteen kumannaan qof halka in ka badan labo milyan oo kalena ay guryahooda ka qaxeen.

Afhayeenka TPLF Getachew Reda oo ay BBC la xiriirtay si ay wax uga weydiiso isbaheysiga cusub weli sooma jawaabin. Laakiin kooxaha isbaheystay ayaa heshiiska ku saxiixay maanta oo Jimce ah magaalada Washington, sida ay shaaciyeen.

Ergayga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika ayaa ku sugan Addis Ababa isagoo kulamo la yeelan doona wasiiradda dowlada. Afhayeen u hadlay Jabhada Oromada ee OLA ayaa BBC-da u sheegay in isbahaysigan cusub uu ka wada shaqeyn doono sidii loo ridi lahaa dowladda haatan xukunka Itoobiya heysa, laguna dhisi lahaa maamul ku meel gaar ah. OLA iyo TPLF ayaa hore ula dagaallamayay dowladda Abiy iyagoo sheegay inay qabsadeen dhowr magaalo ayna ku dhow yihiin caasimadda Addis Ababa. Waxaa la filayaa in isbahaysigan cuusb ay maanta si rasmi ah uga dhawaaqaan magaalada Washington ee dalka Mareykanka.

Waa kuwee kooxaha kale ee haatan ku soo biiray isbahaysiga?

Kooxahan kale waxaa ku jira kooxda dimuqraadiyad doonka ee Cafarta, Dhaqdhaqaaqa Dimuqraadiyadda ee Agaw, Dhaqdhaqaaqa Xoreynta Dadka Benishangul, Ciidamada Xoreynta Dadka Gambella, Xisbiga Dimuqraaddiga Kimant, Kooxda Xoreynta Sidama iyo Kooxda Iska caabbinta ee Gobolka Soomaalida.

Waa tuma TPLF?

Ciidamada Xoreynta Dadka Tigray (TPLF) waxaa la aasaasay sanadkii 1975 xilli boqollaal milyan oo qof oo ku nool Afrika iyo Bariga Dhexe ay dalbanayeen isbeddel iyo xorriyad. Dadka dalbanayay isbeddelka waxaa ka mid ahaa dhalinyaro Itoobiyaan ah oo ku noolaa gobolka buuralleyda ee Tigray.

Keliya sanad kahor xilligaas, Haile Selassie, oo ahaa boqorkii ugu dambeeyay ee Itoobiya, ayaa dilay qaar kamid ah saraakiisha wadday kacdoonka ee dhiirrigelinayay kooxaha sida TPLF, isagoo soo rogay xukun adag.

Gudaha Tigray, waxaa ka jirtay caro muddo soo jiitameysay oo loo qabay kooxaha kacdoonka ka wada gobolka. Dad badan ayaa xusuusta ciidamadii hubeysaan ee sanadkii 1943 la baabi’iyay. Markan hoggaamiyeyaasha TPLF ayaa wacad ku maray inay u hiillin doonaan dhalinyarada isbeddel doonka ah.

Inkastoo dabayaaqadii sanadihii 1970-meeyadii ay TPLF aad u koreysay, haddana sanadkii 1978 waxay kooxdu lahayd qiyaastii 2,000 o dagaal-yahanno ah. Labo sano kaddib waxay urursatay ciidan labolaab ka badan tiradaas.

Waa tuma OLA?

Kooxda Xoreynta Oromada (OLA) waa xisbi siyaasadeed oo Itoobiya laga aasaasay sanadkii 1973, waxaana aasaasay dhalinyaro ka soo jeedda beesha Oromada oo ah tan ugu ballaaran dalkaas, iyadoo ujeedkoodu uu ahaa inay gaaraan isku tashi ayna maamulaan gobolka Oromiya iyo qeybaha ay Oromadu ka deggan tahay gobolka Amhara

OLA oo sanadkii la soo dhaafay ka goosatay garabka hubeysa ee OLF ayaa soddonkii sano ee la soo dhaafay dowladda Itoobiya kula dagaallameysay galbeedka iyo koofurta gobolka Oromia. Kooxdan iyo kooxda TPLF ayaa cadowtinnimo raagtay isku qabay ilaa sanadkii 2018 oo uu Abiy xilka qabtay. Iyadoo haatan TPLF ay qudheedu ka go’day dowladda, waxay labadoodu sheegayaan inay leeyihiin hadaf guud. Baarlamaanka Itoobiya ayaa 5-tii bishii July liiska argagixisada ka saaray kooxaha OLF, oo ah garabka hubeysan ee xoreynta Oromada iyo kooxda Xoreynta Dadka Ogaadeeniya ee ONLF. Balse kaddib dagaalkii ka qarxay gobolka Tigray sanadkii hore, dowladda Abiy Axmed ayaa OLA u aqoonsatay urur argagixiso. Dhowaan kooxda ayaa sheegtay in sirdoon iyo istaraatiijiyado ay la wadaageyso xoogagga Tigray ee waqooyiga ku sugan oo dooneysa inay ku sii siqdo caasimadda. Hadafka ay wadaagaan ayaa ah in dowladda la rido.

Maxay doonayaan OLA?

Dagaal-yahannada Guerrilla ee galbeedka iyo koofurta dalkaasi ayaa la dagaallamaya dowladda. Ciidamada Xoreynta Oromo ee OLA ayaa sheegay in dadkeeda ay dhibaato ku jireen wax ka badan qarni. Waa halgan hubeysan oo hore balse in badan oo dadka dagaalka wada ah ma dhalan markii ugu horreysay ee ciidamada jabhada Oromada la aasaasay sanadkii 1970-meeyadii. Maanta, iyado Itoobiya ay wajaheyso dagaallo badan iyo caqabado badan, kooxdan waxaa u muuqata fursad. Oromada waa qowmiyadda ugu ballaaran dalka Itoobiya. Dagaal-yahannadan waxay doonayaan xuquuq ay ku doortaan gobanimodoonka.

Mid ka mid ah dagaal-yahannada oo ay BBC-du la hadashay ayaa yiri, “Dadka Oromo waxaa lagu qasbaa inay qaadaan qoryo. Waan dagaallameynaa, annaga oo duurka ugu nool sida xayawaannada sababtoo ah waxaan dooneynaa in xuquuqdeenna la tixgeliyo.”

Dad badan oo Itoobiyaan ah ayaa qoriga u arka xalka ugu fiican. Dal ay ku nool yihiin in ka badan boqol milyan oo qof iyo 80 qowmiyado, qaarkood ayaa isku jeestay iyagoo dhul ku dagaallamaya. Waqooyiga Tigray ku dhowaad 500,000 oo qof ayaa qarka u saaran macluul iyadoo mucaaradku ay la dagaallamayaan dowladda. Balse, OLA ayaa sidoo kale lagu eedeeyay tacaddiyo. Sawirradan waxay muujinayaan raadka uu reebay weerar la sheegay inuu dhacay July. Mid ka mid ah kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in mucaaradku ay sanadkan dileen in ka badan 800 oo qof oo qowmiyadda Amraaxada ka soo jeeda.

Tewodrose Tirfe oo ah Guddoomiyaha Jaaliyadda Amxaarada ee Mareykanka ayaa BBC-da u sheegay, “Ciidamada Xoreynta Oromo ayaa doonaya in la isir tiro dadka aan Oromada ahayn, gaar ahaan Amxaarada ka soo jeeda gobolka Oromada, iyo in ay meesha ka bixiyaan Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayna gobolka Oromiya hoos keenaan hoggaankooda.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here