Qasnadda Qufulan Qaranka ayaa Wax Loogu Qabtaa!

0
5

Faallo: Xuseen Cali Nuur

Baahida aasaasiga ah ee aadanaha ee ka dhalatay isbeddelka cimilada, dalalka horumaray iyo kuwa soo korayaba waxa ku badanaya baahida shacbigoodu u qabo  sidii loogu heli lahaa biyo dabooli kara baahiyooda kala duwan.

Jamhuuriyadda Somaliland oo haatan waayo-arag ku ah dullinimada iyo dhibaatada ay leedahay  gacanta oo la hoorsado iyo shisheeyaha oo wax laga sugo; waxa ka go’an iyadoo Ilaahay talo saaranaysa, ku kalsoonaato awoodda dhaqaale iyo taageerada shacbi ee ku salaysan waxqabad.

Maanta Jamhuuriyadda Somaliland way ogtahay siyaasaddii kaalmo ee dalalka horumaray inay tahay arrin gabbalkeed dhacay, waxana siyaasadda cusub ee beddeshay lagu soo koobi karaa ereyadan: “Ma bixinno kaalmo iyo deeq sidii nalooga bartay, waxaanse ummadda wax qabsanaysa aan taageero iyo gacan qabasho uga dhignaa farsamo iyo kharash hawleed.”

Isbeddelka cimillo wuxuu aad u saameeyey dalal badan oo ku kala yaalla qaaradaha kala duwan oo ay biyuhu haatan ku yar yihiin. Tusaale ahaan waxa noogu filan gobollada galbeed ee dalka Maraykanka iyo biyo-yaraantooda. Waxa uu Maraykanku ka baqayaa in biyo yaraantaasi ay saameyso 96 haro-biyeed oo ka mid ah 204a haro-biyood ee dalkaas ku yaalla.

Si biyo-yaraanta ka dhalatay isbeddelka cimilada adduunka, Jamhuuriyadda Somaliland waxay fulinaysaa qorshe lagu yareyn karo saameynta biyo-yaraanta ee haatan dalka ka jirtaa inay fiddo.

Xukuumaddu muddadii u dhexaysay labada debbaal-deg ee la soo noqoshada xornimo, waxay 38 degaan oo ku yaalla gobollada dalka ay ka qoday 42 ceel oo dhaadheer, waxayna dayactirtay 16 ceel oo nooca dhaadheer ah.

Isla muddadaas waxay qoday 81 Ceel oo gaagaaban, waxayna dhistay 13 dhaam ama biyo-xidheen oo waaweyn, waxana garab socday dhaamamkaas berkado iyo balliyo. Dhammaan hawshaas kharashkeeda waxa bixiyey xukuumadda iyo shacbiga.

Xilligan aan ku jirno waxa socda hawshii dhaamka ugu weyn ee Jamhuuriyadda Somaliland laga dhisayo. Dhaamkaas weyn oo laga hirgelinayo Faro-weyne dhismihiisa boqolkiiba toddobaatan (70%) ayaa dhammaatay, iyadoo la filayo in la dhammaystiro dabayaaqada sannadkan 2021 Insha Allaah.

Baaxadda dhaamkani waa 210 mitir oo dherer ah, 150 mitir oo ballac ah, wuxuuna hoos u qodan yahay 30 mitir. Wuxuu dhaamku qaadayaa 420 kun foosto oo biyo ah, waxaannu deegaanka siinaya biyo nadiif ah oo la cabbo iyo kuwo xoolaha lagu waraabiyo.

Kharashka dhaamkan oo ah mashruuc lix dhaam oo la mid ah gobollada laga dhisi doono, waxa bixinaya Baanka Horumarinta Afrika, waxana dhismaha iska kaashanaya Jamhuuriyadda Somaliland iyo hay’adda CARE INTERNATIONAL, iyadoo qaybo badan oo dhaamamkaas waaweyn laga maalgelinayo cashuurta dawladda ee ay bixiyaan muwaaddiniinta Somaliland, kuwaas oo qayb ka noqonaya ilaa 900 boqol oo mashruuc oo afartii sanno ee u dambeeyey laga hirgeliyey dalka Somaliland, sida ay sheegeen Guddida Qandaraasyada Qaranku, iyadoo sidoo kale ay mashaariicdaasi yihiin qaar soo maray nidaamka qandaraaska qaranka.

Hadafka ugu weyn ee siyaasadda xukuumaddu waa sidii looga faa’iidaysan lahaa biyaha roobka. Biyahan waxa loo sameynayaa goobo qabatinno, kadibna dhaamamka ayaa lagu xidhayaa.

Waxay ila tahay in xilligan uu dhaqaalaha dunida jaho-wareeriyey COVID-19, inay Xukuumaddu qasnaddii qufulnayd ay qaranka wax ugu qabanayso. Siyaasadda la-dagaalanka biyo-yaraantuna waa qayb ka mid ah waxqabadkeeda. Waxay diinteenu ina baraysaa in biyaha la tashiilo oo aan lagu ciyaarin.

Waxaan leeyahay waxqabadkan oo kale wuxuu u baahan yahay in maskax furan lagu qiimeeyo; taasi oo ku sallaysan waxqabadka muuqda ee la taaban karo.

By; Xuseen Cali Nuur, Hargeysa, Somaliland.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here