Shan Arrimood Oo Madaxweyne Farmaajo Khudbadiisii Kaga Hadlay

0
1

Madaxweyne Farmaajo ayaa Khudbad Ka Horjeediyay Baarlamaanka Somalia Kadib Markii Laga Diiday Mudo Kordhin Loo Sameeyey

Muqdisho (Hubaal) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shalay khudbad ka horjeediyay Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay dhowr arrimood oo ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalku uu marayo qayb ka mid ah marxaladihii la soo maray iyo halka hadda looga dhaqaaqayo meesha la taaganyahay si doorasho loo aado.

Doorka Golaha Shacabka ee jihada dalku aadayo

Madaxweynaha Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in golaha baarlamaanku uu udub dhaxaad u yahay jiritaanka qaranimada dalka iyo sharciyada lagu dhaqayo.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in ay qasab tahay in baarlamaanku uu door ku yeesha masiirka iyo jihada uu dalku aadayo ,isagoo intaa raaciyay in baarlamanaku yahay marjicii loola laabanyay xalinta arrimaha murugsan.

“Dhamaan arrimaha masiiriga ah ee la xiriira mustaqbalka iyo jihada dalkeenu aadayo waxaa qasab ah in baarlamaanku door ku yeesho isla markaasna uu noqdo marjaca loola laabanayo xalinta arrimaha murugsan” ayuu yidhi madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in mudadii uu xilka hayay ay dowladdiisu ku dadaashay in baarlamaanku dalka ka qaataan kaalinta ay ku leeyihiin.

“Waxaan xaqiijiyay in heshiisyada masiiriga ah ee laanta fulintu ay gaarto aan u soo celino baalamaanka si ay uga dooddaan haddii loo baahdana ay u ansixiyaan”

Muddo kordhintii iyo wixii ka dhashay

Golaha Shacaka ee baarlamaanka dolwadda federaalka Soomaaliya ayaa 12 bishii Abriil muddo kordhin u sameyay hay’addaha dowladda,waxaana tallaabadaas diidmo kala horyimid mucaaradka,maamulgoballeedyada iyo beesha caalamka iyadoo ay dhamaantood soo jeedinayaan in arrintasa laga laabto isla markaana lagu laabto wadahadalkii oo lagu saleynayo heshiiskii 17-kii September.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khudbadiisa maanta ku sheegay in xeerkii Golaha Shacabku ansixiyeen ee muddada loogu kordhinayay hay’addaha dowladda uu ahaa fursad dalka looga badbaadinayay dib u dhac iyo hubanti la’aan dalka la soo darista.

Wuxuu sheegay in sharcigaas ay ka hor yimaadaan qaar ka mid ah dowladda goballeedyada isla markaana magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya uu ka abuuray cakirnaan iyo qalalaase.

“Magaalada Muqdisho waxaa laga abuuray qalalaase,xasarado qorsheysan waxaa la barakiciyay shacab waxaana khatar la galiyay naftooda iyo hantidooda” ayuu yidhi madaxweynaha Soomaaliya.

Lama oggalaan karo mar labaad

Maxamaed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in magaalada Muqdisho maadama ay tahay caasimadda umadda Soomaaliyeed aan la oggolaan doonin inay dib ugu laabato dhibaaooyinkii ay soo martay soddankii sano ee dalka Soomaaliya uu burburku ka jiray.

Wuxuu sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay dooneyso in caasimaddu noqoto meel umadda u dhaxeeysa lana tartanta caasimadaha aduunka sidaas darteedna ay dowladdiisu doortay in laga shaqeeyo xasiloonida dalka si khilaafka Soomaalida ka dhex jira aan shisheeye uga faaiideysan .

Ku wareejinta Ra’iisal wasarae Rooble doorashada iyo amnigeeda

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khudbadiisa ku sheegay in ra’iisal Rooble uu hoggaamin doono arrimaha doorashada iyo amnigeeda.”Waxaan halkaan ka cadeynayaa in Ra’iisul wasaare Rooble uu hoggaamin doono diyaarinta doorashada iyo amniga sidoo kale fulinta qorshaha sida waafaqsan dastuurka waxaa iska leh ra’iisal wasaaraha.”Madaxweynaha ayaa xukuumadda faray inay howshaas baaxadda leh u hoggaansamaan.

Baaqa siyaasiinta

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay siyaasiinta a kala aragtida yihiin in ay ka shaqeeyaan danta guud ayna ka waantoobaan kicinta bulshada kana fogaadaan wax walba oo khatar galinaya amniga dalka. Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku baaqay in siyaasiintu ay ku soo laabtaan dhabaha wadahadalka iyo is qancinta taas oo lagu gaari karo wax heshiis lagu yahay.

“Mudanayaal iyo Marwooyin waxaan rabaa inaan ugu baaqo siyaasiinta naga aragtida duwan in ay ka shaqeeyaan danta guud kana waantoobaan kicinta dadweynaha kana fogaadaan wax amniga khatar galin kara” ayuu yidhi madaxweynaha Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

SHARE
Article horeBeesha Caalamka Oo Cambaareysay Qalalaasihii Muqdisho Ka Dhacay
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a Somali journalist, writer and cameraman. Now Mustafe is the chief editor of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He was former the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com/mustafefaro@hotmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here