Shirweynaha 2-aad Ee Xisbiga WADDANI Oo Si Rasmiya u Furmay Maanta

0
5

Hargeysa (Hubaal) – Shir weynihii labaad ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa maanta si rasmi ah uga furmay Huteelka Maansoor ee caasimadda Hargeysa.

 

Shirweynaha oo socon doona muddo laba cisho ah ayaa waxa kasoo qayb galay madaxda sare ee xisbiga iyo inka badan kun ergay oo ka tirsan Xisbigaasi, waxaana ugu horreyn goobtaas lagu doortay shirguddoonka shirweynaha labaad ee xisbiga oo uu soo jeediyay guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).

 

Waxaana loo doortay saddex xubnood ee kala ah guddoomiyaha shirguddoonka Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, guddoomiye ku xigeen Axmed Xuseen Fag fagaash iyo xoghayaha shirguddoonka Barkhad Jaamac Batuun.

 

Waxaana ugu horreyn goobtaasi ka hadlay guddoomiyaha Xisbiga mucaardka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo si rasmi ah u furay shirka, isagoo xusay in maalmaha uu socdo shirweynaha labaad ee xisbiga ay ku dooran doonaan hoggaanka xisbiga. Guddoomiyaha shirguddoonka shirweynaha labaad ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiqaadir Xaaji Ismaacil Jirde ayaa sheegay in maanta ay ka dhegaysan doonaan qudbadaha iyo warbixinnada hoggaanka iyo hawlwadeennada xisbiga.

 

Shirweynahan oo ah kii labaad ee uu qabsado xisbiga mucaaradka ah ee Waddani intii uu jiray, ayaa la filayaa inuu berri ku doorto hoggaan cusub oo hoggaamin doona shanta sanno ee soo socda.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here