Somaliland: Madaxweynaha Oo Qaabiley Wefti Ballaadhan Oo Ka Socday Dalka Qadar

0
1

Maxay Kawada Hadleen Madaxweyne Biixi Iyo Ergeyga Gaarka Ah Ee Wasiirka Arrimaha Dibada Ee Qadar Dr. Mutlaq Bin Majed Al-Qahtani.

Hargeysa (Hubaal) Wefti ka socda dawladda Qadar ayaa shalay soo gaadhay caasimada Somaliland ee Hargeysa, weftigan ayaa waxa hoggaaminaya ergeyga gaarka ah ee Wasiirka Arrimaha dibada ee Qadar Dr. Mutlaq bin Majed Al-Qahtani. Ergeygan Wasiirka Arimaha Dibada ee dalka Qatar ayaa mudo dheer ahaa diblomaasi ka shaqaynayay Wasaarada Arrimaha dibedda dalkaasi, waxaana Socdaalka weftiga Dr. Mutlaq bin Majed Al-Qahtani  markii ay soo gaadheen Somaliland waxa qaabilay oo soo dhaweeyey ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibedda JSL, ahna wasiir-ku-xigeenka wasaaradda Md. Liibaan Yuusuf Cismaan.

Geesta kale war qoraala oo kasoo baxay aqalka madaxtooyadda Somaliland ayaa lagaga hadlay kulan dhexmaray weftigan iyo madaxweynaha Somaliland oo xafiiskiisa ku qaabiley, waxaanu qoraalkaasi oo Hubaal soo gaadhay u dhignaa sidan:

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley wefti ballaadhan oo safar shaqo ku yimi dalka Somaliland, kana socday dalka Qadar oo uu hoggaaminayo Ergayga gaarka ah ee Ra’iisal-wasaare ku-xigeenka, ahna wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Qadar, Dr. Mutlaq bin Majed Al-Qahtani.

Ugu horrayna madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa warbixin dheer ka siiyey weftiga xaaladda guud ee dalku marayo maanta iyo halkii laga soo ambo qaaday geeddiga Dimuquraaddiyadda muddo Soddon sanno ah, waxaanu madaxweynuhu weftiga ka guddoomay salaan ay uga sideen madaxda dalka Qadar.

Waxaana kulankaasi lagaga wada hadlay in labada waddan ay yeeshaan xidhiidh wanaagsan oo walaalnimo iyo iskaashi wada shaqayneed iyo in dalka Qadar halkan (Somaliland) ku yeesho xafiis Diblumaasiyadeed oo rasmi ah.

Sidoo kale, waxa laga wada hadlay sidii hay’adda Qadar u qaabilsan mucaawimooyinka ee (Qadar Charity) ay xafiis uga furan lahayd Jamhuuriyadda Somaliland, loona xoojin lahaa xidhiidh wada shaqayneed oo dhinaca mucaawimooyinka ah iyo samafalka ah.

Waxaanu kulankaasi ku soo dhamaaday is-afgarad buuxa iyo in halkaa laga ambo qaado xidhiidh wada shaqayneed oo labada dal yeeshaan.”

SHARE
Article horeMidawga Yurub, Maraykaka Iyo Ingiriiska Oo Soo Dhaweeyey Go’aankii Baarlamaanka Iyo Dhawaaqii Madaxweyne Farmaajo
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a Somali journalist, writer and cameraman. Now Mustafe is the chief editor of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He was former the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com/mustafefaro@hotmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here