Somaliland: Maxaa Lagaga Hadlay Kulanka Madaxweynaha La Yeeshay Xubnaha Guddida Doorashooyinka Qaranka?

0
1

Madaxweynaha Ayaa Shalay Kulan Isugu Yeedhay Xubnaha Komishanka Doorashooyinka

Hargeysa(Hubaal)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,  Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan la yeeshay xubnaha guddida doorashooyinka qaranka Somaliland, kulankaa oo shalay ka qabsoomay qasriga madaxtooyada.

Kulanka Madaxweyne Biixi la yeeshay xubnaha Guddida doorashooyinka qaranka Somaliland oo ahaa mid aananay saxaafadu goob joog ka ahayn, waxa  diiradda lagu saaray habsami u socodka qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka, sida lagu sheegay qoraal saxaaafadeed kooban oo kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland markii kulanku dhammaaday.

Madaxweynaha ayaa Guddida doorashooyinka qaranka dhegeystay warbixin la xidhiidha qaban-qaabada iyo hirgelinta hawlaha wakhtigan socda ee qabsoomidda doorashooyinka wakiillada iyo deegaanka oo maraya meel muhiima. sida lagu sheegay qoraalka  sidoo kale waxa qoraalka lagu xusay in hawlaha u diyaar-garawga doorashooyinku u socdaan sidii loogu tallo-galay, kuna qabsoomayaan xilligii hore la isula qaatay ee loo qorsheeyay insha Allah.

Dhinaca kale, waxa kulankaa lagaga wada hadlay kharashaadka ku baxaya doorashooyinka iyo ilaa hadda wixii ku baxay, si looga diyaar garoobo arrimaha dhaqaalaha ee doorashooyinka ku baxaya, wallaw aan qoraalka lagu xusin inta uu yahay kharashkaasi.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadinyey guddida doorashooyinka qaranka sida hagar la’aanta ah ee ay hawsha u wadaan, wuxuuna ku adkeeyay in doorashooyinku ku qabsoomaan muddadii lagu heshiiyey. Isagoo kula dardaarmay in masiirka ummadda iyo amniga qaranku dushooda saaranyahay, loona baahan yahay dedaal iyo xilkasnimo  dheeraada inay iska saaraan hawlahaa miisaankooda iyo culayskoodaba leh ee ay gacanta ku hayaan.

Gebagebadii madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,  Muuse Biixi Cabdi waxa uu guddida doorashooyinka qaranka ugu duceeyey in Allah ku asturo hawlahaa culus ee ay qaranka u hayaan. sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda Somaliland.

SHARE
Article horeDowladda Soomaaliya Maxay Ka Tidhi Hadalkii Kululaa Ee Ka Soo Baxay Midowga Africa?
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a Somali journalist, writer and cameraman. Now Mustafe is the chief editor of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He was former the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com/mustafefaro@hotmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here