Somaliland Oo Markii Ugu Horreysay Diiwaangelinaysa Guryaha Iyo Dadka Ku Nool Magaalada Laascaanood

0
5

Laascaanood (Hubaal) Dawladda Hoose ee Degmada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, ayaa markii ugu horreysay bilowday olole ay ku diiwaan-galinayso dhammaan guryaha ku yaal 27 xaafadood oo magaaladaasi ka kooban tahay iyo guud ahaan dadka ku nool oo qof-qof loo diiwaan-galinayo.

“Waxaannu maanta halkan ku daahfuraynaa barnaamijka diiwaan-galinta guryaha oo aannu in badan soo wadnay qorshihiisa, waxaannu diiwaan-galin doonnaa dhammaan guryaha ku yaal degmada Laascaanood. Guri kasta waxaannu ka qori doonnaa xogtiisa oo dhammaystiran, cidda guriga iska leh, hadduu maqan yahayna cidda ka wakiil ka ah iyo cidda guriga deggan.” Sidaa waxa yidhi Maayirka Laascaanood Md Cabdiraxiin Cali Ismaaciil oo ka hadlayey xaflad lagu furayey bilowga barnaamijka lagu diiwaangelinayo dadka iyo guryaha ku yaal magaalada Laascaanood.

Diiwaan-galintan ayaa la rumaysan yahay in ay ka mid tahay tallaabooyinka xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo maamulka degmada Laascaanood oo iskaashanayaa ku sugayaan ammaanka magaalada iyo guud ahaan degaannada Gobolka Sool oo sannadihii la soo dhaafay ay ka dhaceen dilal lagu beegsaday dad magac ku lahaa gobolkaas.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here