Somaliland Waxey Maraysaa Wax Ha Arkin Oo Ha Maqlin Oo Ha Sheegin Waxna Ha Na Weydiin

0
19

W/Q: Baashe Cabdi Gaboobe

Maah maah ingrisi ah baa tidhaa ‘’ Don’t put all your eggs in one basket ‘’ oo macneheedu yahey beydka aad heysato meel ha ku wada ridin.  baashe cabdi gaboobeIctiraaf raadinta xukuumadda madaxweyne Silaanyo waxey shanti sannadood ee aynu dooranay ku  lumisey wada hadalka Somalia iyo Somaliland ,iyado ujeedeeda kowaad  aheyd in ay mucaawinooyinka  dhaqaale ee magaca Somalia lagu bixinaayo iney qeybteeda ka qadato ,waana qodob ka mid ah  qodobadi lixda aha ee lagu heeshiyey kulanki ugu horeyey (juun 2012) labada dhinac  ee London lagu  qabtey waqtigi dawladda ku meel gaadhka ee sheikh Shariif.Waxaana lagu qiyaasa qadarka lacagta  beesha caalamku ku shubto sanduqa hormarinta Somaliland ‘’ Somaliland development fund ‘’    kunton million oo dolaarka mareykan sannadki .  waxaynu ka argney lacagta intaa leeg xarumaha wasaaradaha la dhisey  oo dhawr iyo toban ah oo  xukuumadda Silaanyo aad ugu faanto sheegatana iney lacgta misaaniyadda ka dhistey. Marka la isku cel celiyona waxey noqonaysa qadarka lacagta ku baxdey dhismayaashaa  seddex ilaa afar million oo dolaarka mareykan . Waxa kalo aynu wada oggsoonahey in wada hadalki u dambeeyey ee lagu qabtey Turkiga magaalada Ankara March 2015  inu burburey kuna dhamaadey fashil .Halka muddadaa dheer la jarey xidhiidki diblomaasiyaddeed ee dadbana, albaabadana loo laabey xafiisyadi aynu ku laheyn dawladdaha Africa ee saaxibadeen  sida South Africa,Gana ,Senegal,Ruwanda, South Sudan iwm. Waxa iyadana jirta in wasiirada xukuumadda silaanyo  ku noq noqanaayeen Imaaraatka Carabta iyago doonaya iney kireeyaan dekedda berbera ,iyado  aynu ognahey in Airportka berbera  shimbiruhu ka haadaan oo wax duulimaadyo ihi ka kicin.Haddaba safarkan kediska ah ee madaxweyne Silaanyo ma wuxu la xidhiidha soo kireeynta Airportka berbera si loo duqeeyo Xuutiyinta yemen qabsatey .Taaso  aynu ogsoonahey in Djibouti u diiddey Imaaraatka iney Airporkeeda kaga duulaan Yemen,sidaasna xidhiidhkoodi diplomacy ku go’ay ?..

Haddaan dib ugu noqdo dulucda maqaalkeygan madaxweyne Silaanyo waqtiga halaganka SNM waxa lagu yaqaaney aftahanimo iyo firfircooni badan inkasto  muddo kaso wareegtey laakiin into madaxweynaha noqdey waxa laga ilaaliya saxaafadda madax bannaan inu si toos ah ula hadlo oo mar uu soo diro cajalad uu iska soo duubey sida dadka interpolku raadinaayo iyo mar uu laba erey yidhaahdo dabadeedna iska dhaqaaqo isago ka cararaya saxaafadda madax bannaan iney  su’aalo weydiso , sidu dhaqanka madaxda S/L aha  marka ay dhoofayaan ama soo degayaan , sidaaso uu yeeley maalinti dhaweyd  June 7, 2015 ee uu ambabaxaayey Imaraatka Carabta arrintaas oo shaki badan ku abuurtey shacabk S/L calaamad su’aalna gelisey ujeedada socdaalkooda .Waxanan qaba sababta wasiir cukuse loo kaxeystey ay tahey in marka ay soo noqdaan in isagu warbaahinta la hadlo, waayo dee Imaaraatka af Somaali laguma hadlo!!

Alla mahad leh,

Eng. Baashe Cabdi Gaboobe .

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here