Tirada Codbixiya-yaasha Doorashada Madaxtooyadda JSL Oo La Shaaciyey

0
303

Hargeysa (Hubaal) Gudiga doorashooyinka Somaliland ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay tirada guud ee codbixiyaasha doorashada madaxtooyada ee 13 Nofember la qaban doono. Tirada codbixiyayaasha la diiwaangeliyay waxay gaadheysa 704,089 (todoba boqol iyo afar kun iyo siddeetan iyo sagaal qof). Munaasabad lagu qabtay xarunta Gudiga Doorashooyinka ayaa lagaga dhawaaqay in dadka la diiwaan geliyay oo keli ah codeyn doonaan.

Sida uu sheegay gudoomiyaha guddiga, Cabdilqaadir Iimaan, wuxuu sheegay in qofka codbixiyuhu uu ka codeyn karo oo keli ah goobtii uu hore isaga diiwaangeliyay ee gobolkiisa. Munaasabadda waxaa ku sugnaa wakiilo ka kala socday saddexda xisbi ee ku tartamaya doorashada, wasiirka arimaha gudaha, iyo saxaafadda.

Goobaha codeynta ee Somaliland ayaa gaadhaya 1,642, oo la sheegay in ay yihiin laga soo bilaabo min lawyacaddo ilaa taleex.

Sida guddiga doorashada uu sheegay degmooyinka Dhahar iyo laasqoray ee gobolka Sanaag kama aysan dhicin diiwaangelin.

Axsaabta siyaasadda ayaa soo dhoweeyay howsha uu qabtay guddiga oo soo bandhigay teknolojiyad cusub oo ay ka caawiyeen shirkado laga leeyahay Irland iyo Faransiiska.

Tirada gobolkasta iska diiwaangelisay

Tirada codbixiyaasha rasmiga ee Gobollada jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland waxay kala yihiin:

Maroodijeex: 249,229

Togdheer: 147,440

Awdal: 102,571

Sanaag: 80,334

Sool: 63,698

Saaxil: 60,817

Ololaha doorashada ayaa la filayaa in uu bilowdo bishan dhexdeeda. Axsaabta siyaasadda waxay dadka u bandhigi doonaan waxa ay qabanayaan.

Qalabka doorashada iyo warqadaha codeynta ayaa dhowaan la geeyay Hargeysa. Doorashada waa mid ay ku oo keli ah musharrixiinta xilka madaxweynaha.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here