Ururka SOLJA Oo Ka Dayriyey Xaaladda Caafimaad Ee Tifaftiraha HCTV Oo Laba Bilood Xidhan

0
3

Hargeysa, (Hubaal) – Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen maanta waxa ay kaga dayriyeen xaaladda caafimaad ee Tifaftiraha Telefishanka HCTV, wariye Cabdiqaadir Coday oo mudo xidhan.

Ururka Suxufiyiinta Somailand ee SOLJA waxa uu ku baaqay in la sii daayo saxafiga xidhan, sida lagu sheegay War-saxaafadeedka ka soo baxay Ururkaasi oo uu baahiyey Telefishanka HCTV, kaas oo u dhignaa sidan:

“Ururka Saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA waxa ay walaac xoogan ka muujinayaan xaaladda caafimaad ee Tifaftiraha Telefishanka HCTV Cabdiqaadir Saeebaan Casayr (Coday), kaas oo la xidhay 17-kii November 2019-ka, muddo laba bilood ahna ku xidhan xarunta CID-da ee magaalada Hargeysa kadib markii Telefishanku uu baahiyey Warqad cabasho oo ay qortay shirkadd ganacsi oo gaar loo leeyahay ee Fly Dubai oo ay u qortay garoonka ay diyaaraduhu ay ka haadaan ee Cigaal International Airport.

Wariye Cabdiqaadir Coday ayaa intii uu ku xidhnaa Xarunta CID-da ee magaalada Hargeysa waxa la soo darsay xaaladdo caafimaad oo aad u daran oo ay ka mid yihiin Dhiig-Car iyo Wadne Xanuun, waxaanay Boolisku muddo shan jeer ah ay u qaadeen dhakhtarka si xaaladiisa caafimaad loola tacaalo,” Dhinaca kale ururka SOLJA waxa uu war-saxaafadeedkiisa ku sheegay in Qaabka loo xidhay Wariye Cabdiqaadir Coday ay baalmarsanayd hab-raaca sharciga Somaliland iyo xeerka Saxaafada Somaliland ee Lr 27/2004.

SHARE
Article horeAustralia: Shiishyahanno La Amray Inay Laayaan 10,000 Geel Ah!
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a Somali journalist, writer and cameraman. Now Mustafe is the chief editor of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He was former the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com/mustafefaro@hotmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here