“Waad Arkayseen Waxaannu Keennay Rag KULMIYE-yihii Hore Ee Ummaddani Soo Tijaabisay, Waxa Qurux Badnnayd Innaanu Ummadda Hor-keenno Wejiyo Cusub”

0
1

Hargeysa (Hubaal) Xildhibaan Ahmed Dayib oo ka tirsan golaha wakiillada, isla markaana kasoo baxay xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, ayaa Ka Hadlay Shirwaynihii 2aad Xisbiga Waddani Ee Maanta Lagu Soo Gebogabeeyay Magaaladda Hargeysa.

Xildhibaan Ahmed Dayib oo loo yaqaan ‘Sheekh ku-cadeeye’ Ayaa Sheegay Innaanay Xisbi Ahaan Ummadda Hor-keenin Wax-qorshe Ah oo Isbeddelka Ummaddani U Baahan Tahay Ka Turjummi-kara,

Xildhibaanka oo warbaahinta la hadlayay, ayaa tilmaamay In Saddexda Xisbi ay Dad-tiro Yar ay Ku Wareegaan oo Ay Kolba Xisbi Ka Soo Dhex-muuqdaan “Maanta Dee Waad Arkayseen Waxaannu Doorannay Rag Kulmiye Ah Oo Xisbiga Kulmiye Ka Yimmid, Waxa Qurux Badnnayd Innaanu Ummadda Hor-keenno Wejiyo Cusub Laakiin Taasi May Dhicin Ee Waxaannu Keennay Kulmiyihii Hore Ee Ummaddani Soo Tijaabisay” ayuu yidhi Xildhibaan Ahmed Dayib

Sidoo kale waxa uu sheegay inaan si dimuqraadiyad ah loogu tartamin hoggaanka xisbiga, taas beddelkeedana ay ahayd uun xubno hore usii dooranaa in shirkaasi lagu doortay. “Waxa aad Arkayseen In Meesha Aannu Tartan Ka Dhicin Ee Rag-dooran Uun Shirka Lagu Doortay, Taasinna Waa-dee Iska……..” ayuu yidhi.

Dhinaca Kale Xildhibaanku Waxa Uu ka hadlay baahida bulshadu u Qabaan In Ururadda Siyaasadda La Furo, isgoona shaaca ka qaaday in haddii la  furo asxaabta siyaasadda uu ka mid noqon doona dadka hanka leh ee kaw ka noqon doona inay furtaan meel ay kusoo bandhigaa

“Saddexda Xisbiba Ummaddani Way Ka Niyad-jabsan Yihiin….Haddii Ururadda La Furo Waxaan Ku Jiraa Ragga Hanka Leh” Ayuu Xildhibaanku yidhi

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here