WADDANI Oo dib u hawlgaliyey xubintiisii Komiishanka Doorashooyinka

0
2

Hargeysa (Hubaal) Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa sheegay inay hakintii ka qaadeen Xubintii ay hore ugu Magacaabeen Komiishanka cusub ee Doorashooyinka Somaliland. Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Md. Cabdiraxmaan-Cirro oo hadal ka jeediyey Munaasibad lagu xusayey Maalinta Haweenka Adduunka oo Sannad kasta Adduunka oo dhan laga xuso 8-da Bisha March, ayaa sheegay inay Xisbi ahaan Hakintii ka qaadeen Xubintii ay hore ugu Magacaabeen Komiishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland, sidaasi darteedna Xubintaasi uga mid noqonayso Komiishanka cusub.

“xubintii aynu hakinay ee guddiga doorashooyinka hakiskii waanu ka saarnay” Guddoomiye Cirro ayaa soo dhaweeyey hashiiska laga gaadhay arrimaha doorashooyinka waxaanu shacabka ugu baaqay in u diyaar garoobaan doorashada baarlamaanka iyo deegaanka, waxana uu yidhi “Somaliland in badan ayaa laysla jiitamaayey arrimaha doorashada laakiin waxa aan ku faraxsanahay in laga baxay oo laga heshiiyey, waxa dhacay hashish siyaasi ah oo ah in doorashooyinkii barlamaanka iyo deegaanku ay dhacaan inta aannu dhammaan sannadkan aynu ku jirnaa , waa arrin guul u ah Somaliland”

Cabdikariim Yaasiin Sheekh Dalmar oo xillligan uu WADDANI ka qaaday hakintii saarnayd ayaa Xisbigu hore u hakiyey isaga oo aanu baarlamaanku ansixin.

Golaha Wakiillada Somaliland ayaa meel-mariyey 6 xubnoo oo ka mid ah Komiishanka, balse xubintan ayaa xilligaa Xisbigu u hakiyey khilaaf jiray.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here