Wakaallada Xabkaha Oo Beenisay Dacaayado Ka Soo Yeedhay Haweenay Ajanabi Ah Iyo Ganacsato Ka Dayriyay Beenyada Dalka

0
111

Ceerigaabo ()- Maareeye Ku-xigeenka Wakaalladda Xabkaha iyo Faleenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mr. Axmed Maxamed Xasan (Bataato), ayaa beeniyay  dacaayado uu ku sifeeyay  been abuur   oo sheegayay in dhirta xabkaha iyo falleenku ay qalaleen.

Dacaayadahaasi oo ka soo yeedhay haweenay Maraykan ah oo la yidhaahdo Dr, Anjanette L Decarlo iyo qaar ka mid ah Ganacsatada beenyada dhoofisa oo ka dayrinayey bed-qabka dhirta xabkaha iyo faleenka.

Mr. Axmed Maxamed Xasan (Bataato)  ayaa ka warbixiyay kormeer uu ku soo maray degaannada ay ka baxdo xabkaha iyo faleenka ee gobolka Sanaag;  “Waxaan magaalada Ceerigaabo aan u joogay hawl shaqo oo aanu wakaallad ahaan xaq u leenahay. Waxaan  joogay inaanu eegno oo indho-indhayno beeyadda ay dadku ka dayrinayaan. Waxaan tegay degaannada beeyadu ka baxdo ee Laaso-surad, Raqas iyo Laas-qoray  oo ku yaalla Gobolka Sanaag, waddanka roob ayaa ka da’ay waxaan la kulanay xabkihii iyo faleenkii oo aad loo soo jafayo oo la rarayo. Aad iyo aad ayaanu ugu bognay dhirtii la lahaa way qalalaysaa, waxaanu aragnay inay baxday oo ka badatay intii hore oo dhirtuna ay bedqabaan,”ayuu yidhi Maareeye Ku-xigeenka oo u waramay Telefishanka Eryal.

Waxa kaloo uu intaas ku daray in wakaallada Xabkaha iyo Faleenku ay gobolka Sanaag u qortay hawl-wadeenno badan oo ka hawlgala shaqada ay uga masuulka yihiin wakaallad ahaan qaranka, waxaanu yidhi; “Maadaama oo gobolka Sanaag yahay gobolkii udugga, waxaanu u magacownay isku-duwaha wakaallada xabkaha iyo faleenka ee gobolka Sanaag oo la yidhaahdo Cawad  Jaamac Ismaaciil, halka aanu ku-xigeenka isku-duwahana laga dhigay Saalax Maxamuud Faarax. Waxa kaloo aanu u samaynay shaqaalihii xaarisiinta ahaa ee ilaalinayay xabkaha iyo faleenka oo ah 68 qof.”

 

Maareeye Ku-xigeenku waxa uu intaas ku daray inay sameeyeen qorshe dawladdu ay cashuur ugaga qaadato Xabkaha iyo Faleenka dalka laga dhoofinayo. Waxaanu ku dooday inay dhexdhexaad yihiin oo aanay shirkad gaar ah la safnayn, waxaanu yidhi “Annaga (Wakaallada) waxa na magacaabay madaxweynaha Somaliland, waxaanan u shaqaynaa oo dhex u nahay qaranka, ciddii nagu mucaarad ahina waa cid horumarka waddanka diidan. Annagu wakaallad ahaan dawladda ayaanu u shaqeynaa oo u ilaalinaa waajibka ay na saartay oo ay ka mid yihiin cashuuraha iyo dhirta ilaalinteeda iyo maamulkeeda. Sidaas darteed annagu baayac-mushtar ma nihin waxaanu nahay wakaallad dawladeed.

 

 

Gabadhan  Maraykan  ah Mrs , Anjanette L Decarlo, ayaa Telefishanku wariyay inay ka qortay dacaayado xabkaha iyo faleenka Somaliland oo ay ku dooday inay qalalayaan oo aan la dhawrin.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here