Wasiir Faratoon oo Isagoo Maraykanka Ku Sugan Wax Laga Waydiiyey Mawqifka Kama Dambaysta Ah Ee Wada-hadalladii Xamar

0
4

“haddii Mareykanku safaaraddooda u raro  magaalada Muqdisho, dabcan iyaga ayey u talaa sida aan isku arkeyno iyo goobta kale ee aanu ku kulmi karno’’ wasiir Faratoon.

 

 

Hargeysa(hUBAAL):-Xukuumada somaliland ayaa shaacisay inay diyar u tahay wada hadal ay la gasho dawlada soomaaliya. Wasiirka arimaha dibada ee somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo ku sugan dalka Maraykanka ayaa sheegay in xukuumada somaliland ay mar kast diyaar u tahay wada hadalka dawlada muqdisho. Wasiir Faratoon ayaa yidhi “‘’Somaliland mar kasta diyaar bey u aheyd mana ka hor iman wada hadal lala galo Soomaaliya, diyaar ayeey-na u tahay in ay Soomaaliya wada hadalaan oo wixii leysku hayo miiska la soo dhiggo’’ ayuu u sheegay VOA.  Wasiirka Wasaarradda arrimaha dibedda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon ayaa sheegay in Somaliland mar walba diyaar u tahay wada hadal ay la gasho Soomaaliya.

Sidoo kale wasiirka arimaha dibada somaliland ayaa ka hadlay waxyaabaha uga qorshaysan safaarada maraykanku u rarayo magaalada muqdisho iyo inay somaliland ku qasbanaan karto inay safaaradaas muqdisho tagaan aya awaxa uu yidhi “Maya taasi marnaba ma dhici karto, haddii ay Mareykanka safaaraddooda u raraan magaalada Muqdisho, dabcan iyaga ayeey u talaa sida aan isku arkeyno iyo goobta kale ee aanu ku kulmi karno’’ ayuu yidhi wasiir Faratoon.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here