Wasiir Fariid Oo Abaalmarin gudoonsiiyey Shaqaalaha Ugu Wanaagsan Wasaaradda Gaashaandhiga

0
4

Hargeysa (Hubaal) Munaasibad shahaadooyin abaalmarineed lagu gudoonsiinayay shaqaalihii ugu wanaagsanaa wasaaradda gaashaandhiga waaxaheeda kala duwan ayaa shalay lagu qabtay xarunta wasaaradaas.

Munaasibadan ayaa waxa goob joog ka ahaa guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha, gudoomiye-ku-xigeenka guddida maamul-wanaaga iyo la-dagaalanka musuqmaasuqa, saraakiil sare oo ka tirsan ciidanka, madaxda iyo shaqaalaha wasaaradda gaashaandhiga.

Madaxda waaxaha kala duwan ee wasaaradda gaashaandhiga oo goobta ka hadlay ayaa dhammaantood waxay amaan iyo boggaadin u jeediyeen shaqaalaha kala duwan ee mutaystay abaalmarinta, halka sidoo kalena ay dardaaran u jeediyeen shaqaalaha iyaguna aan ku soo bixin in sanadka la abaalmariyo.

Wasiirka wasaaradda gaashaandhiga, Mudane Maxamuud Caateeye Fariid oo munaasibada ka hadlay ayaa yidhi; “Marka waa idin hambalyaynayaa, waxa weeye waxaynu samaynay mar haddii aynu nidhi intaas baa ku guulaysatay oo halkaa gaadhay, waa sida shaqada loogu xaadirka badan yahay (Attendence). Waa inaad horta timaadaa, markaad timaado anigoo wasiirkiiya, waan u yeedhan karaa hebel oo waxaasuu qabtay, laakiin hebelhaddaanu soo xaadirinba wax loo dirsan karaa ma jirto, shaqadan qaranka ayaynu wada leenahay, maraynu wada nimaadno oo shaqadii aynu wada qabano, waxa dalka usoo baxaya midhodhal wanaagsan.” Ayuu yidhi wasiirku

Gabogabadii waxa wasiirku uu abaalmarin gudoonsiiyey shaqaalihii mutaystay abaalmarintaasi

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here