Wasiir Sacad Cali Shire Oo Kulan La Qaatay Guddida Aqoonsi Raadinta Somaliland Ee Sweden

0
34

Hargeysa (Hubaal) -Guddida ictiraaf raadinta  Somaliland ee Sweden oo maalmahanba ku sugnaa dalka ayaa kulan la qaatay wasiirkka arrimaha dibada somaliland. Gudoomiyaha gudidan Rooda Jaamac Cilmi iyo Maxamed Yuusuf Bidhiidh oo ka mida xubnaha gudidan iyo sidoo kale gudoomiyaha jaaliyada somaliland   ayaa kulankan wasiirka waxay xog warran kaga siiyeen halka ay marayso arrinta ictiraaf raadinta ee laga wado dalka sweden iuo qaarada yurub,waxaanay sheegeen in baarlamaanka dalkaasi in ka badan toban jeer ay doodo toosa ka yeesheen qadiyadda somaliland,waxaanay sidoo kale sheegeen in jaaliyadaha qaarada yurub ee somaliland iyo gudida ictiraaf taadinta ee dalku ay kaalin wayn ka qaadanayaan sidii dalku ixtiraam iyo aqoonsi biuxa uga heli lahaa wadamada caalamka.wasiirka iyo jaaliyadda sweden

geestiisana wasiirka arrimaha dibada somaliland Dr Sacad Cali Shire oo uu weheliyo gudoomiya hay’ada qurbejoogta qaranka ayaa waxay si diiran usoo dhaweeyeen dadaalada gudida ictiraaf raadinta ee dalka,waxaanu wasiirku kula dardaarmay inay sii laba jibaaraan dadaalka lagu raadinayo sidii aqoonsi buuxa dalka loogu heli lahaa,waxaana la filayaa in mudada xubnaha gudidani dalka ku suganyihiin ay kulamo la qaataan hay,adaha dawlada oyo masuulinta qaranka u sarreeya.Gudida ictiraaf raadinta soomaliland ayaa mudadii ay jireen waxay ku guulaysteen inay qadiyada somaliland geeyaan masraxyo caalamiya waxaana lama huraana in gacan buuxda laga siiyo hawlqabadka ay gudidani isu xil saareen taasoo fure u noqon karta aqoonsiga somaliland

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here