Wasiirka Ciyaaraha Oo Si Rasmi Ah U Shaaciyay Ciyaaraha Fudud Ee Kubadda Cagta Iyo Oroddada Degmooyinka

0
3

Hargeysa (Hubaal) – Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Somaliland Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi ayaa si rasmi ah u shaaciyay in ciyaaraha fudud ee kubadda cagta iyo oroddada ee degmooyinka caasimadda Hargeysa ay bishan qabanayaan.

 

Wasiirka dhallinayrada iyo ciyaaraha ayaa sheegay in bishan aynu ku jirno shan tobankeeda ay magaalada Hargeysa ku qabanayaan tartanka kubadda cagta iyo oroddada, kaasoo ay ka qayb geli doonaan guud ahaan degmooyinka ay ka kooban tahay magaalada Hargeysi. Wasiirku waxa uu ugu baaqay mas’uuliyiinta degmooyinka iyo guud ahaan dhallinayarta ciyaarta kubadda cagta iyo oroddadu inay u diyaar garooban tartankaasi.

 

Geesta kale, wasiirku waxa uu sheegay in dhawaan ay soo xidhi doonaan tartanka horyaalka kooxaha ee gobollada dalka, kuwaasoo xaflad loogu samayn doono gobolka Saaxil, oo uu ka socdo dhismaha garoonka kubadda cagta ee degmada Berbera. Wasiirku waxa uu intaas raaciyay in dhallinayaradu aanay marna ka niyad jabin ciyaaraha kala duwan, isagoo tilmaamay in wasaarad ahaan ay gacanta ku hayaan qorshayaal lagu horumarinayo ciyaaraha da’yarta Somaliland.

 

Guddoomiyaha xidhiidhka ciyaaraha fudud ee Somaliland Maxamed Xasan Nageeye ayaa shaaciyay in magaalada Hargeysa uu ka bilaambi doono horyaalka tartanka oroddada, kaasoo ay ka qayb qaadan doonaan toddobo kooxood, isla markaana kooxaha kaalmaha hore ka gasha tartankaasi ay heli doonaan abaalmarinno kala duwan, waxaana uu dhallinyarada orodyahannada ah ee ka qayb galaysa tartannadaasi uu ugu baaqay inay iska diiwaangeliyaan xafiiska xidhiidhka ciyaaraha fudud ee Somaliland.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here