Wasiirka Hawlaha Guud Iyo Guriyaynta Oo Kulan La Qaatay Cuqaasha Buuhoodle

0
1

Buuhoodle (Hubaal) Wasiirka  Wasaarada  Hawlaha  guud iyo Guriyaynta Somaliland Cabdirashiid  Xaaji  Ducaale oo  Toddobaadkii  ugu  dambeeatyay  ku sugnaa  Degmada  Horafadhi ayaa  Shalay   Socdaal  ku tagay  Magaalada  Buuhoodle,kaas  oo  kulan  la  yeeshay  Cuqaasha iyo  Waxgaradka  Deegaankaas. Cabdirashiid  Ducaale Qambi  ayaa  waxa  kulan  qaatay  Huteel  rays  ee  Magaalada  Buuhoodle    Cuqaasha iyo Waxgaradka Buuhoodle,taas oo ay ka wada  hadleen  adkaynta nabadgalyada  iyo  sidii  loo  soo afjari lahaa  Shaqaaqadii  ka dhacday Deegaanka   Horafadhi.

Cabdirashiid  Ducaale Qambi  oo  kulan kaasi ka dib  Warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu faahfaahin ka bixiyay waxyaabihii ay ka wadahadleen  Cuqaasha iyo waxgradka Magaalada Buuhoodle.waxaana uu yidhi“Socdal  kani  waxa uu dabo  sacdaa  socdaal  kayagii    aanu  ku nimid  Buuhoodle iyo  Horafadhi kaas  oo ku sahabsanaa  nabadgalyada iyo  guud ahaan  shaqaaqadii ka dhacday gocondhaale  arin kiiisuna  ku  dambeeyay  meesha  la yidhaahdo Ceegaag   iyo  Horafadhi  arin  kaas    oo  Toddobaadkan  aanu ku jirnay,waxaana  aan  ku boorinayaa Cuqaasha iyo waxgaradka jooga  Ceegaag  arinkaa  soo afjarideeda sidaa  u wadaan  in  arinka  soo  afjarmo  ee  aanu  sii  jiitamin   labada  dhinacna waxa  aan u rajaynayaa  khayr,”.

Cabdirashiid  Ducaale Qambi  oo hadal  kiisa sii wataa waxa uu yidhi“Odayaashii  aanu la shirnay  maanta  shalay     waxa  aanu kala  jirnay  arinkaa  Horafadhi   laftiisa  sidii   loo xasilin  lahaa,waana isku afgaranay  odayaasha waxaana  aan  farayaa  dadka  reer Buuhoodle oo  aan  usoo  jeedinayaa in   in  aanay jirin  Nabedgalyo wax  dhaama cid  kasta  oo faraha ku haysa  nabadgalyo wax  aan ahayn wax  khar  daro  aan ahayn  oo ay ka helayaan  majirto,dadka  leex leexinaya    ee  xadkeedii loogu  talo galay    dhaafinaya  waxa  aan  kula talin lahaa  ama  dibada  ha  joogeen  ama  dalka ha  joogeen maalin  wax la qaso  ama wax la Siyaasadeeyo  majoogno.in  laga  daayo  ayaa quman in  sidii  Nabedgalyada  loo  xasilin lahaa  lahaa  ayaa quman  in  sidii  loo heshiin lahaa falawgeeda la qabto ayaa quman,Buuhoodle  wadooyin badan ayaa ku soo  aroora wax  aan  odhan  lahaa cid kasta  oo  Buuhoodle ku soo arooraysa  waxa  aan  kula talin  lahaa   in  Nabedgalyo laga taliyo umadda  sidaas ayaa u dana guud ahaan  Somaliland sidaas ayaa u dana,”.

Sidoo  kale Guddoomiyaha  Gobalka Buuhoodle Mustafe  xaaji   Cabdi   Muuse   oo  soo dhaweeyay  Wasiirka ayaa waxa  sheegay in  meel  fiican  u marayso  soo afjarida shaqaaqadii ka dhacday  Horafadhi.

SHARE
Article horeKa Joog Jabuutaay Waa Lagu Jabaye
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a Somali journalist, writer and cameraman. Now Mustafe is the chief editor of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He was former the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com/mustafefaro@hotmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here