“Waxa Loo Baahan Yahay Dadaal, Diyaar-garaw iyo ka-hor-tag intaa ka Badan” Madaxweynaha Somaliland

0
1

“Waxa aynu Qaran ahaan hore u qaadnay tallaabooyin aynu kaga hor-tagayno xanuunka saf-marka noqday, adduunkana ku sii faafaya ee Coronavirus (Covid-19)” Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi

Hargeysa-(Hubaal)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto uu soo saaray shalay sabtidii, waxa uu ku magacaabay Guddida Heer Qaran Ee U-diyaargarawga Iyo Ka Hortaga Xanuunka Coronavirus. Sida lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay xarunta madaxtooyada Somaliland oo Hubaal soo gaadhay, waxaanay Wareegtadaasi Madaxweynaha u dhignayd sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/G/083-488/032020, ku magacaabay Guddida Heer Qaran ee U-diyaar-garawga iyo Ka-hor-tagga Xanuunka Coronavirus.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Ku: Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka

Ku: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Ku: Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka

Ku: Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta

Ku: Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska

Ujeeddo: Magacaabid Guddi

Mudanayaal,

Sida aad la socotaan, waxa aynu Qaran ahaan hore u qaadnay tallaabooyin aynu kaga hor-tagayno xanuunka saf-marka noqday, adduunkana ku sii faafaya ee Coronavirus (Covid-19). Waxa aynu abaabul xooggan iyo heeganba galinnay Shaqaalaha Wasaaraddaha Horumarinta Caafimaadka oo baadhitaanno iyo hubin ka bilaabay dhammaan Madaarrada diyaaradaha, Dekedaha iyo xuduudaha dalka laga soo galo. Hase yeeshee, waxa loo baahan yahay dadaal, diyaar-garaw iyo ka-hor-tag intaa ka badan.

Sidaa darteed, waxaan idiin magacaabay Guddida Heer Qaran ee U-diyaar-garawga iyo Ka-hor-tagga Xanuunka Coronavirus (Covid-19), waxaana xidhiidhka wada-shaqaynta Guddida hoggaamin doona Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka. Waxaan idinka rajaynayaa in aad xil weyn oo culus iska saari doontaan u diyaar-garawga iyo ka hor-tagga xanuunka Coronavirus.

SHARE
Article horeKa Bogo Fadhigii Ay Golaha Wakiilladu Ku Meel Mariyeen Xubnaha Gudida Sare Ee Bangiga Dhexe ee somaliland
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a Somali journalist, writer and cameraman. Now Mustafe is the chief editor of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He was former the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com/mustafefaro@hotmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here