“Waxanu Ka Wada Hadalnay Xeerka Saxaafadda Iyo Telefashinnadii La Xidhay Oo Xagayaga Aanu Xog Buuxda Ka Siinay”

0
1

Wasiirka Warfaafinta iyo Wakiilka Dawladda Uk u Qaabilsan Somaliland oo ka wada hadlay Tefeshannimo la Xidhay

Hargeysa-(Hubaal)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo wacyi-gelinta Jamhuuriyadda Somaliland mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa Xafiiskiisa kulan kula yeeshay wakiilka dawladda Ingiriiska u qaabilsan dawladda Somaliland MR Stuart Brown.

Kulankan oo ay warbaahintu dibed joog ka aheyd intii uu socdey, waxa warbaahinta qaranka xog-waran ka siiyay, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wecyi-gelinta Jamhuuriyadda Somaliland mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore waxuuna uu sheegay inay dawladda Ingiriiska ay ka wada hadleen xeerka saxaafadda Somaliland.

“waxanu ka wada hadalnay xeerka saxaafadda iyo telefishinnadii la xidhay oo xagayaga aanu xog buuxda ka siinay sida ay dawladda Somaliland caanka ugu tahay telefashinada, Wargeysyada iyo Mareeg balse annay ahayn kuwa ku degdegaya xadhigooda, waxa aanu u cadaynay saddex qodob oo kala ah Madaxbanaanida, ammaanka iyo Sumacada Qaranka oo aan la aqbalayn cid wax u dhinta” ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo wacyi-gelinta Jamhuuriyadda Somaliland mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo shalay warbaahinta u waramay

SHARE
Article horeWasiir Cabdilaahi Abokor Oo U Quus-gooyey Cabashada Reer Awdal Ee Saami-qaybsiga
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a Somali journalist, writer and cameraman. Now Mustafe is the chief editor of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He was former the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com/mustafefaro@hotmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here