Wefti Uu Hoggaaminayo Wasiirka Warfaafinta Somaliland Oo Lagu Soo Dhaweeyay Degaanno Ka Tirsan Gobolka Sool

0
1

Hargeysa (Hubaal) Weftigan oo uu hoggaaminaayay wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacy’gelinta Jamhuuriyadda Somaliland ayaa lagu soo dhaweeyay degaannada Gumays, Yeyle iyo Gol-janno oo ka tirsan gobolka Sool.

Sida uu ku soo warmaayo wariyaha wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA uga soo warama magaalada Laascaanood Barkhad Cumar Axmed weftiga wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wac’gelinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore waxa ka mid ahaa Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon oo ah murashax u taagan golaha wakliillada, isuduwaha wasaaradda biyaha ee gobolka Sool Axmed Maxamuud Xirsi iyo mas’uuliyiin kale.

Weftigaasi waxay sheegeen u jeedka socdaalkoodaasi uu salka ku hayo sidii ay xogogaal ugu noqon lahaayeen xaaladda ay ku sugan yihiin dadka ku nool degaanadaas, waxaanay xuseen in ay u qodi doonaan afar ceel kuwaas oo laga hirgelin doono degaannada hoos yimaadda gobolkaas.

Ugu dambayn waxa halkaas hadal u jeediyay dadweynaha ku nool degaanka Gol-jano wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wecyi’gelinta Jamhuuriyadda Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore iyo Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon oo ah murashax u taagan golaha wakiillada Somaliland, waxaana ay sheegeen in degaanadaas ay marayan laga qodi doono afar ceel, kuwaas oo ka ugu horeeya laga qodi doono degaanka Goljano, waxaanay intaas ku dareen in xukuumaddu dadaal ugu jirto daboolida baahiyaha biyo ee ka jira gobolka Sool iyo degaannada hoos yimaada.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here