Xabagta Soomaaliya Laga Helo Ee Dahabka U Ah Spain

0
6

Gobollada Segovia, Ávila iyo Valladolid ee Spain waxaa yaalla hanti daahsoon. Badhtamaha deegaannada Tierra de Pinares iyo Sierra de Gredos oo gobolladaas ka tirsan, waxaa ku yaalla keymo cuf ah oo cabbirkoodu uu gaadhayo 400,000 oo hiktar oo ay ka baxaan geedo xabag ah oo buuraha ku dherersan. Keymahan oo laga dugaashado cadceedda Spain, ayaa waxay goob loo soo dalxiis tago u tahay dadka deegaanka iyo dalxiisayaasha intaba. Haddii aad booqatana xilliga habboon oo aad si dhow u eegto, waxaad arkeysaa shaqaale ku dhex jira keymaha oo geedaha ka guraya xabagta oo loo yaqaanno “dahabka dareeraha ah”.

Ganacsi ballaadhan

Geedka xabagta ayaa siyaabo kala duwan loo isticmaalayay muddo kumannaan sano ah. Dalka Spain iyo qeybo badan oo ka tirsan Mediterranean-ka, waxaa loo adeegsan jiray in biyaha looga celiyo maraakiibta, lagula tacaalo gubashada, toosh daciif ah, iyo waxyaabo kale. Balse sida uu qabo Alejandro Chozas, oo wax ka dhiga Jaamacadda Madrid, qarniyadii 19-aad iyo 20-aad ayay Spain ka soo caan baxday gurashada geed xabagta oo ay noqotay wax laga faa’iido. Markii ay korodhay ilbaxnimada teknolojiyadda iyo warshadeynta badhtamihii qarnigii 19-aad, milkiilayaasha keymaha cufan Pinus pinaster ayaa wuxuu u arkay fursad. Shaqaalaha ayaa bilaabay inay jaraan jiridda geedaha xabagta ee gobolka ku yaalla si ay uga faa’iideystaan. Inkatsoo hannaankan gaabiska ah uusan ka sii jirin dunida inteeda badan, haddana tobankii sano ee la soo dhaafay ayuu mar kale caan ka noqday Castilla y León, oo ah goobta ugu badan ee xabag cadaadda laga guro qaaradda Yurub.

“dhimasho” ilaa nolol “

Mariano Gómez wuxuu ku dhashay Ávila muddo 32 sano ah ayuuna ka shaqeynayay gurashada xabag cadaadda. “Aabbahay wuxuu ahaa dadka ka ganacsada xabag cadaadda isaga ayaana ka bartay. Markii hore wuxuu isticmaali jiray masaar, balse gacmaha ayay i xanuunjiyeen. Maanta qalab fiica ayaa jira, (balse weli) xoogga ayaa la maalaa,” ayuu yidhi. Hannaanka la soo bixidda xabag cadaadda ayaa ahaa mid aan is beddelin ilaa iyo imika oo ay warshado jiraan, balse ganacsatada xabag cadaadda ayaa la yimid qalab casri ah iyo waxyaabo kiimiko ah oo kordhinaya wax soo saarka xabagta. Sidaas darteed waxaa korodhay faa’iidada laga helo wax soo saarka xabag cadaadda.

“In dhiig laga keeno” geedaha

Bilaha kuleylaha ah ee March ilaa November, ganacsatada gudaha ayaa si taxadar leh ula soo baxa xabagta iyagoo marka hore ka diira qolofta kore ee jiridda geedka. Waxay kaddib meesha la diiray ka sameeyaan god waxayna dhex dhigaan weel yar oo xabagta lagu guro. Kaddib waxay la dhacaan masaar taa soo sababta in geedku dhiigo kaddibna xabagtu ku ururto weelka. Marka weelku buuxsamo waxaa laga heli karaa xabag ilaa 200 kg ah. Beeralleyda ayaa xabagta u dira warshadaha sifeeya, oo kaddibna la baxa xabagta saafida ah oo u ek dhagaxaan midab jaalle dahabi ah leh oo dhalaalaya.

Waxa ay dadku ku faanaan

Markii uu ganacsigan ku xoogganaa Spain sanadkii 1961, ilaa 55,267 tan oo xabag ah ayaa laga soo saari jiray, iyadoo in ka badan 90% laga soo guri jiray keymaha gobolka Castilla y León. Dalabaad la’aan iyo qiimaha lagu iibinayay oo yar ayaa horseeday in ganacsigan hoos u dhaco kuna dhowaado inuu meesha ka baxo sanadihii 1990-meeyadii. Dad badan ayaa moodayay in tani micnaheedu yahay inuu soo afjarma dhaqankoodii. Ganacsigan keliya Spain kama ah mid dhaqaale lagala soo baxo, balse waxaa loo arkaa mid jiilba jiilka kale uu u gudbiyo oo la iska dhaxlo. Qoysas badan ayaa waxaa ku jira ugu yaraan hal qof oo ganacsigan ku lug leh.

Ma noqon kartaa mid looga maarmo shidaalka?

Sida ay muujinayaan daraasado badan oo la sameeyay, marka la eego xaddiga la soo bixidda shidaalka, waxaa loo maleynayaa in keydka shidaalka ee Dhulka uu dhammaan doono wixii loo gaadho 2050. Blanca Rodríguez-Chaves, oo ka tirsan Jaamacadda Madridahna khabiir dhanka siyaasadaha deegaanka ah, ayaa rumeysan in xabagtu ay noqon karto wax shidaalka looga maarmo. Wuxuu ku doodayaa in waxyaabaha ka sameysan patroolka, sida caagagga, tusaale ahaan, oo aan deegaanka u wanaagsaneyn, sidoo kale laga sameyn karo xabagta. “Xabagtu waa shidaalka dunida ee maanta iyo mustaqbalkaba. Fakraddu waxay tahay in dhammaan waxyaabaha laga sameeyo shidaalka ay beddeli karto xabagta,” ayuu yidhi.

Ku laabashada miyiga

Khubarrada ayaa sidoo kale aaminsan in ka ganacsiga xabag cadaadda ay xal u noqon karto dadka ka soo guuraya miyiga. Sida lagu sheegay daraasad uu sameeyay Bankiga, da’ yar badan ayaa ka soo tagaya miyiga iyagoo doonaya inay shaqooyin fiicna ka helaan magaalooyinka. Si kastaba, xiisaha loo qabo xabag gurashada darteed, dhalinyaro badan ayaa bilaabay inay laabtaan oo ay bilabaaan gurashada xabagta. Guillermo Arranz wuxuu ka mid yahay dhalinyaradaas. Wuxuu ku nool yahay kana shaqeeyaa deegaanka Cuéllar (Segovia)waana jiilkii afaraad ee qoyskiisa ee xabag gurashada ka shaqeysta. “Keymaha xabagtu ka baxdo waa xafiiskeyga iyo waxa ii suurto geliyay inaan ka sii shaqeeyo halka aan ku dhashay. Waxa aan ku jeclaaday shaqadeyda waa xoriydda, iyo dabcan inaan xidhiidh toos ah la sameynayo dabiiciyadda iyo dadka.” Ayuu yidhi.

Xigasho: BBC

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here